Wasiirka Arrimaha Dibedda Chad Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Africa

0
1429
Chadian Foreign Minister Moussa Faki Mahamat is the African Union's newest Chairperson

ADDIS ABABA —  Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Chad Moussa Faki ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Midowga Afrika. Wuxuu badeli doonaa Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika oo wakhtigeedu dhamaaday.

Kadib todobo wareeg oo la maray ayuu ku soo baxay Diblumaasiga, asaga oo haatan noqonaya guddoomiyaha guddiga midowga Africa ee rasmiga ah.

Waxaa uu helay Mr. Moussa 38 Cod, halka ay Amina heshay 26 cod doorasho maanta oo Isniin ah ka dhacday Addis-Ababa, Ethiopia.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada midowga Africa waxaana shirkaan uga qayb-galayay sii hayaha xilka madaxwynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uudiyo wafdi uu hoggaaminayo.

Ugu danbeyntii, wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Aamino Max’ed ayaa dadaal xoog leh u gashay sidii ay xilka ugu guuleysan laheyd, laakiin ugu danbeyntii waa ay lumisay, kadib markii ku soo baxay xilka wasiirka arimaha dibada Chad.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here