Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Faah-Faahin Ka Bixiyey Guulo Uga Soo Hoyday Somaliland Shirkii Urur Goboleedka IGAD Ee Itoobiya Ka Dhacay

0
1167
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadley shirkii urur gobaleedka IGAD ee dhawaan lagu soo gabo gabeeyey caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa .

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in muddadii uu shirkaasi socday uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa , isla markaana ujeedadoodu ay aheyd in ay la kulmaan madaxda Africa ee halkaas iskugu timid oo ay ka dhaadhiciyaan qadiyada iyo madaxbanaanida somaliland.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in ay la kulmeen intii ay ku sugnaayeen magaalada Addis-ababa safiiro badan iyo wasiiro waddamo kala duwan ka kala yimid isla markaana ay ku guuleysteen in ay ka dhaadhiciyaan qadiyada Somaliland.

Wasiirka oo arrimahaasi kak hadlaya ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Mudadii uu socday shirkii AU-du 24-31-kii bishii ina soo dhaaftay waxaanu joognay magaalada Addis-ababa oo  shirkaasi ka socday,ujeedayada aan halkaasi u tagnay waxay ahayd inaanu la kulano madaxda Afrikaanka ah ee halkaa iskugu timi oo aanu kala hadalno isla markaana ka dhaadhicino qaddiyadda Somaliland,waxaanu la kulanay safiiro fara badan oo wasiiro badan oo ka kala yimi wadamo kala duwan,waxaanu isleenahay arrinkaa waad ku guuleysateen sida aanu uga dhaadhicin lahayn Somaliland”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in aanay ahayn markii u horeysay ee ay ka qayb galaan shir ay iskugu yimaadan madaxda dalalka Africa waxaana uu yidhi

“Maaha markii u horeysay’e kal horeba sidaas oo kale ayaanu u tagnay shirkii halkaasi ka socday,markaasna waxaan la kulanay wasiiro fara badan iyo madax kala duwan si fiican way noogu dhacday markaas runtii waxaanu ku han waynahay in aanu saaxiibo ka samaysanay qaarada aynu ku noolahay”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale  Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socdey dalka  Czech Republic oo iskugu jirey ganacsato,cilmi baadhayaal iyo qeyb wabarasho.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here