Wasiiradda Arimaha dibada iyo Daakhiliga Somaliland Oo Magaalada Addis Ababa Kula Kulmay Masuuliyiin Wasaaradda Arimaha dibadda Ethiopia + SAWIRRO

0
1285

shirarAddis Ababa ,(HargeisaPress) — Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo uu weheliyo Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Warancadde, oo shalay safarku yimid Ethiopia ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Ethiopia una qaabilsan wasaarada arrimaha Africa, Amb. Birhane G/kiristos oo ay weheliyaan chief of Cabinet ka Wasaarada Arrimha Dibada Mudane Mulugeta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada AMB. Solomon.

Kulankan labada dhinac oo ahaa mid qado sharaf ah, ayaa lagu lafa guray xidhiidhka labada dal siiba dhinaca ganacsiga amaanka iyo wada jirtka.

adis ababa iyo somaliland

kulankaas labada dhinacba waxay iskula qateen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada Dal wixii Daganaashaha iyo horumarka labada wadan wax yeelayana meel looga soo wada jeesto.labada dawladood waxay si qoto dheer u falanqaayey xidiidhka jaarnimo iyo dawladnimo iyo sidii loo xoojin lahaa .

Wasiirka Arimaha dibada ayaa socdaalkiisa ku tagaya Maraykanka oo uu sheegay inuu kulano kula qaadanayo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay iyo Safiiro kale.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here