Wasiirada Madaxtooyada,Duulista Iyo Warfaafinta Ayaa Ka Hadlay Airmo Ku Saabsan Saldhiga Milatari Ee Berbera Iyo Safar Ay Badhkood Ugu Socdaaleen Itoobiya.

0
988

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirada Madaxtooyada iyo Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Itoobiya, Wasiirada ayaa ka hor intaanay ka dhoofin Gagida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport waxa ay ku sii qabteen shirjaraaid oo ay warbixinkaga bixiyeen ujeedka safarkooda.

Ugu horayan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani) oo wasiirada ku sii sabootiyay qolka nasashada ee VIP-da Madaarkaas, ayaa waxa uu ku sheegay Safarka wasiirada oo uu yidhi:- “halkan waxaa ila jooga Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada MaxamuudXaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Duulista Farxaan Aadan Haybe, iyo Safiirka inoo fadhiya Dalka kiniya C/laahi (Dhakaar) oo sadexdooduba u safrayaan Dalka Itoobiya, Magaalada Adisababa, waxaa ka sii horeeya waftigan maanta baxaya, wafti culus oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wasiirka Arimaha Dibada Sacad X Cal Shire, Waftigaasi waxay shir heer sare ah la leeyihiin Madaxda Dalka Itoobiya.

Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka ayaa iftiimiyey cida ay la kulmayaan iyo cida marti qaaday,waxaanu yyidhi:-“ kulankayagu waa martiqaad waxa uu ku egyahay ilaa heer Raysal Wasaare oo waxaanu la kulmaynaa Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia waxaanu uu la xidhiihdaa uun iskaashigaa qotoda dheeraa ee soo jireenka ahaa ee aynu iskaga bahaysano ee iskaga dhawnahay ee aynu iskaga dugsano Mandaqada aynu ku noolnahay oo runtii Mandaqad xaasaasiya ah, kama madhna arimaha imika kusoo kordhay geeska iyo Mandaqada KHaliijal Caraba inagana ku talo galkeenu waxa uu ahaa oo aan horena idinku sheegay in Dawlada Somaliland ay waydiisatay Saldhig Military Dalka Imaaraadka Carabtu, Saldhigaa hore Isfahan soo dhamaaday ayaa uga jiray oo shilin iyo qodax la oo dhamaystiran laakiin ma jirin heshiis la galay  oo la saxeexay meelahaa ayaa laga yidhaa waa la saxeexay laakiin xaqiiqada ayuunbaa beenta baabi,isa  runtuna waa wixii xaqiiqo ah ee horyimaada Golayaasha sharci dejinta Madaxwaynuhu wuu horkeenayaa Golayaasha sharci dejinta waajibkooda Dastooriga ahna waa ka qaadanayaan.

Wasiir Farxaan oo hadalkiisa sii wada ayaa yyidhi:-“Dawlada Ethiopia runtii xidhiidh fiican baa naga dhexeeya oo arintaa ku taxaluqa wax laysku diidanyahay ma jirto waana ka wada soconaa insha allahu tacaalaa taana waxaanu rajaynaynaa inay soo afjarmi doonto ayaamaha soo socda”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin hadii Labada Gole diidan, heshiiska Saldhiga Milatari ee Berbera, balse aanay cid kale u daba fadhiisanayanin, isgaoo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi:-“ Waxaanu keenaynaa halkii ay ahayd, waa halkee halka u habooni? Ma suuqa ragga joogaa? ma ragga gidaarada fadhiyaa? Waxaanu hordhigaynaa Umaddu ciday dooratay ee dastuurka qaranku awooda u siiyey inay arrimahaa ka go’aan qaataan”.

Wasiir Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“Waxaanu nahay xukuumad isku kalsoon oo waxay aamin san tahay fagaareyaasha keenta oo aan la biqin oo aan odhan golahaa gayn mayno, Anigu waxaan ahaan jiray mudane golaha wakiiladda ka mida waxaanu xukuumadaha ka baryi jirnay waar heshiisyada keena, annagu maanta anagga la ordayna oo horgayna, DPWorld ayaanu gaynay, qoodhi fagaare ayey ku warsheegootaa, kana waa gaynaynaa golayaashu haday diidaana halkaas ayaanu kaga hadhaynaa, haday ogolaadaan halkaas ayaanu ka wadaynaa cid joojin karntaana ma jirto raga suuqa ka hanjabayaa ma joojin karaan “ Iska hadlow ina igare” ayaanu leenahay, waxa weeye haday golayaasha sharcigu naga reebaan waanu u hogaan samanaynaa, uma naqaano haday golayaashu nagu diidaan wuxu yidhi “ Gambi ayaan ku dhaartaye guul kuma dhaaran” annagu in aanu wax keeno ayaanu amran nahay, Dawladda Imaaraadka carabta waxaanu u sheegnay saldhigaa Milateri iyo waxaa aynu isla fahanay dal dumuquraadi ah ayaanu nahay dal idinka duwan ayaanu nahay, anagga boqor qudhi nooma taliyo madaxweyne la doortay oo sharciga codkooda iyo dareenkooda qiimayna oo laba gole dhaabad u yihiin ayaanu nahay, haday na diidaan waxaa waxba kama jiraan, waanu ku go’naa ayey yidhaahdeen.”

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ka dhawaajiyey in somaliland dagaalka lagula dagaalamayo Xuutiyiinta ka dagaalama Yaman qaybka tahay oo ay la safan tahay Wadamada Suniga ah, isagoo arintaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi:- “Khilaafka iyo dagaalka Yeman ka socda, annagu Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland khudbad sanadeedkiisii ayuu ku cadeeyey, siyaasadeedna ku wajahan wadanka Yeman, annagu siyaasadayadu waa taa, annagu waxaanu la jeeni nahay oo la jaal nahay, dawladdahaa is bahaysiga carabta, ee suniga ah laba labayn mayno, annagu fariiqada shiicada ma nihin, ee waxaanu nahay fariiqada suniga ah Umaddani waa sani, imikaba dhinac ayenu nahay, Wariye dhex ma nihin ee dagaalka dhinac ayeynu ka nahay, dagaalku ka gacanta oo kaliya maaha, arrin caqiido salka ku haysa intay tahay ayaanu aamin nahay, waxaanu la jaal nahay wadamahadaas. Imaraadkuna waa ka mid kuwaas, inaan belo ka iman ma damaanad qaadaysaa? , mayee damanad qaadi mayno, Ummad jirta eyeynu nahay cidii ina soo doonatana waynu iska celinaynaa, Umana rag li’in, kuwan aynu maanta is kaashanaynaa jaalalka aynu leenahay ayey ka mid noqonayaan. Xuutiyiina ka biqi mayno rag baan arkayey bulshada bajinaya oo leh balaa cirka ka soo dhacaysa, waar qaran xoog oo waayo araga, oo dagaalka yaqaan oo nabadda qayaan, oo godabta yaqaan ayeynu nahay, iyagaaba cidiidhi ku jira, waana u hub samaynayaa. “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here