Wasiir Yuusuf Ma Ruxmo !

0
1200
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed

Asalaamu Calaykum

Run ahaan Qaranka Somaliland waxa uu Nasiib u helay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u soo xulay in Maaliyada Qaranka uu ku aamino Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage oo ah Wasiirkii ugu da’da yaraa uguna Aqoonta badnaa uguna waayo-aragsanaa marka laga hadlayo Arrimaha Maaliyada ee Wasaarada Maaliyada soo mara.

Waxa Wasiirkaas dhalinyarada ah uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku soo xushay maaha Reernimo, Durbaan-garaacis, Guulwadayn ama Odayaal u dhaqdhaqaaqay midna, balse waxa uu ku xushay Aqoonta durugsan ee uu u leeyahay Shaqada loo dhiibay iyo Waayo-aragnimada 18 Sanadood ah ee uu ka shaqaynayay Wasaarada Maaliyada iyo Xasaabaadka.

Hadaba halkii ay Bulshada Reer Somaliland ka taageeri lahayd dhalinyaradaas Dalkooda u shaqaynaya ee uu Qarankeenu u baahan yahay, isla markaasna laynooga baahan yahay inaynu dhiirri geliyo oo ku taageerno sidii masuuliyadaha loo dhiibay ay uga soo dhalaali lahaayeen dhalinyarada Hoggaanka u qabtay Qarankooda, ayaa waxaa nasiib-darro ah in maalin kasta ay dadka qaarkood ka shaqaynayaan inay fashiliyaan oo ay suuldaarooyin u dhigaan si ay u noqdaan qaar curdan-dhadha oo fashilma dhalinyaradaas durba dedaalka muujiyay ee jidka Horumarka ku sii siqaya.

Hubaal waxaa ah in Wasiir Yuusuf iyo Wasiirrada kale ee Dhalinyarada ah ee ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi ay muujiyeen dedaal badan, mudada ay joogeena ay si Sharaf leh oo Masuuliyad iyo degenaansho ay ka muuqato ay Xilalkooda u guteen.

Waxaan Shacbiga Reer Somaliland ugu baaqayaa inay garab iyo gaashaanba siiyaan Dhalinyaradaas Qarankooda u shaqaynaya.

Waxaa loo baahan yahay in laga gudbo dhaqanka faasidka ah ee bulshadeena ku soo batay dhawaanahan ee ku qotoma Cayda, isla- daadega, is ceebaynta, is rifida, isu quudhi-waaga, iyo is Xaasidnimada. Dhaqankan oo Bulshada Reer Somaliland soo-gelayti ku ah oo aanay Ummadeenu hore u lahayn dhaqanka sidan ah.

Waxa kale oo aan Wasiir Yuusuf iyo Wasiirrada kale ku boorrinayaa inaanay marnaba ku niyad jabin aflagaadooyinka loo geysanayo, waana inay sii laban-laabaan dedaalkooda si aynu u gaadhno Yoolka ay Ummada reer Somaliland higsanayso, sidoo kalena ay taxadir ka muujiyaan eray-fagaareedyada duwi kara Yoolka guud ee shaqooyinka ay hayaan ee bulshadu ay khalad u fahmi karto.

Ugu danbayn intaan ka aqaano Wasiirka Horumarinta Maaliyada Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage maaha nin ku niyad jaba Mikirifoono la daba qaato iyo aflagaado loo geysto midna, waa nin yar da’ahaan, laakiin Aqoon ahaan waa nin dhisan oo aad u waayo-arag ah khibrrad fogna u leh shaqada loo igmaday.

Somaliland ha Guulaysto

Kaysar Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here