Wasiir Xaglo Toosiye oo ka Hadlay Socdaalkiisa Buuhoodle,Digniin adagna u diray Dagaal Ooge Cali Khaliif

0
904

Buuhoodle, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye)  oo ku sugan Magaalada Buuhoodle ayaa  mar kale ugu baaqay dadweynaha deegaankaasi inay ka hortagaan cidii nabadgelyadooda wax u dhimaysa, gacmahana isu qabsadaan ka shaqaynta horumarka.

 

Dr Xaglo-Toosiye oo maanta ka hadlayey xarunta Cisbitaalka dhexe ee Buuhoodle mar uu soo kormeeray dib u dhis Wasaaradiisu ka waddo cisbitaalkaasi ayaa u soo jeediyey dadweynaha Deegaanka baaqiisa ku aaddan adkaynta ammaanka, waxaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa sidan: ‘Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay adkeeyaan nabadgelyada deegaanka, waxana aan ugu baaqayaa cid kasta oo doonaysa inay qasaan nabadgelyada Buuhoodle inay faraha kala baxaan arintaasi, waayo u suurtogeli mayso anana ka yeeli mayno, Somaliland waxaa ka go’an in halkan ay nabadgelyo taam ahi ka taabbo gasho, Qas wadayaal iyo fidmo wadayaal doonaya inay colaadi halkan ka dhacdana uma dulqaadanayno’.

 

Wasiirka Caafimaadku waxa uu xusay heshiiskii nabadgelyo ee laga gaadhay colaadii 2010-kii ka qaraxday buuhoodle, isagoo heshiiskaa ku sheegay mid sidii la doonayey u dhaqan galay, isla markaana aanu marnaba ogolaanayn in deegaankaa colaad dib loogu celiyo  sidoo kalena aanu u dulqaadanayn cid kasta oo colaadaas hurinaysa.

 

Dhanka kalena Wasiirku waxa uu digniin u diray Nabad diidka Cali Khaliif oo uu ugu celiyey inuu deegaanka uga baxo si nabadgelyo ah, isagoo wasiirku arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: ‘Cali Khaliif iyo kuwa la socda ee doonaya inay Buuhoodle colaad ka ridaan waxaan leeyahay  dib uga noqda fikirkaa aan idiin suurogelayn anaguna aanaan idinka yeelayn, dadweynaha reer Buuhoodle waxaan ka codsanayaa in ay  is dhaafiyaan ninkaa fidmo walaha ah iyo ragga la socda ee Xamar kaga soo duulay ee doonaya inay dib ugu celiyaan dhimashadii iyo dhaawacii iyo mugdigii iyo burburkii’ isagoo intaa ku daray in joogitaankiisa Buuhoodle ay qayb ka tahay sidii uu u ilaalin lahaa nabadgelyada waxana hadaladiisii ka mid ahaa sidan: ‘Anigu hadaan ahay Wasiirka Caafimaadka JSL waxaan Buuhoodle u joogaa aniga oo ka wakiil ah Dawlada Somaliland, in aan ilaaliyo nabadgelyada, in aan ka hortago waxii colaad ah ee dadka lagu soo wado, halkan colaad lagama ogola, reer Buuhoodle waa inay degdeg  si nabadgelyo ah isu dhaafiyaan Cali Khaliif’.

 

Geesta kale Wasiirka caafimaadka oo ay wehelinayeen wefti ka tirsan Wasaaradiisa oo uu horkacayo Agaasimaha waaxda Maamulka iyo lacagta  Md Iid Xasan waxa uu ka warbixiyey halka ay marayso hawshii dib u habaynta Cisbitaalka guud ee Magaalada Buuhoodle waxana uu sheegay in wasaarad ahaan ay ku dadaalayeen intii muddo ahayd inay dib u hawlgeliyaan cisbitaalkan si ay uga faa’iidaystaan dadweynaha Goboklkaasi iyo Gobolada kale eek u dhowdhow, iyadoo marka ay dib u habayntu dhamaato ay ka hawlgeli doonaan dhakhaatiir loo diyaariyey.

Wasiir-Xaglo-Toosiye3

Isna waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha waaxda Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Caafimaadka  Md Iid Xasan oo u soo jediyey dadweynaha deegaankaasi inay ka shaqeeyaan nabadgelyadooda soona gaadhaan gobolada kale ee Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here