Wasiir Sacad Oo Difaacay Saamiga Somaliland iyo DP World Ay Ka Iibiyeen Itoobiya

0
1275
Wasiir Sacad Cali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka arimaha dibada Sacad Cali Shire ayaa difaacay saamiga dekeda Berbera Ee Itoobiya isla markaasna waxa uu sheegay inuu heshiisku awood u siinayo Somaliland iyo DP World inay saamiyadooda iibin karaan.

Sida oo kale wasiir Sacad Cali Shire waxa uu xusay inay filayaan in sanadkan dekeda cusub la dhiso, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Eryal, waxaana hadaladiisa ka mid ah “Heshiiskeenu markii hore waxa uu ahaa laba geesood Dp World iyo Somaliland, qolo waliba saamigeeda waa ay iibin kartaa haddii ay qolada kale la ogolaato, kaas ayaynu u raacnay,  inay Itoobiya ka soo qaybgashayna waa mid aad iyo aad u muhiim ah waayo dekeda lacag badan ayaa la galinayaa waana la balaadhinayaa, cida loo balaadhinayaana maaha suuqa Somaliland oo kaliyaata ee waa suuqa Itoobiya.”

Wasiirka oo ka hadlaaya xiliga la bilaabayo dhismaha dekeda Berbera waxa uu yidhi”waxaanu rajaynaynaa sanadkan gudihisa ayaanu filaynaa”

LEAVE A REPLY