Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Liibaan Yusuf Cismaan oo Safar Shaqo Ku jooga Dalka Belgium + SAWIRRO

0
1222

Brussels , (HargeisaPress) —Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Libaan Yusuf Cismaan ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay shir  caalami ah oo ay soo qaban qaabisay haayada crans montan forum oo ku saabsan arrimaha iskaashiga caalamiga ah gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga dalalka qaarada Africa, aminga bedeha iyo dekedaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta laamaha socdaalka ee dalalka qaarada Africa

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen wasiiro, raysal-wasaarayaal iyo madaxweynayaal hore ayaa waxa kamid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Sudan, wasiirka Madax- tooyada Gaboon, wasiirka Difaaca ee dalka Macedonia, Safiirada dalalka Ruushka, Maraykanka, Belgium, raysal-wasaareyaal hore iyo madaxwynayaal hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Mali.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Liiban Yusuf cusmaan ayaa halkaa kasoo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa isadoo wasiirku si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland iyo sida ay Somaliland door muhiima  ugu qaadatay amniga qaarada gaar ahaan dhincayada badaha (Maritime) ka iyo xuduudaha

“Somaliland waxa ay muddo 27 sano ah ku naaloonaysay amni, kala dambayn iyo horumar ay kula noolayd waddamada jaarkeeda ah iyada oo waliba ay ku gaadaanaayeen duruufo amni darro ah oo ka jiray gobolka geeska Africa”

Wasiir ku xigeenku waxa uu si qoto dheer uga hadlay geedi socodka horumarka Somaliland iyo hannaanka dimiquraadiyada Somaliland, waxaanu xasuusiyey beesha caalamaka iyo qaramada midoobey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in arrimeheeda la eego maadama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo oo dhan iyo waliba dhinaca qaanuunka caalamiga ahba

Ka dib markii uu kalnku soo dhamaaday wasiir ku xigeenka wasaaradd arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah liiban Yusuf cisman waxa uu kulamo gaar gaara la yeeshay

  • Wasiirka Arrimah Dibedda Abkhazia iyo mayorka Khusumi ee caasimadda Abkhazia waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo unki lahaa xidhiidh ay wada yeeshaan dawladaha Somaliland iyo Abkhazia iyadoo dawlada Abkhazia halkaa ay marti qaad iyo casuumad rasmi ah ugu fidisay in wafti ka socda Somaliland ay safar ugu kicitimaan wadanka Abkhazia bisha August ee soo socota
  • Sidoo kale waxa uu kulan gaara la yeeshay wasir ku xigeenku safiirka dalka Taiwan u fadhiya Belgium isagoo wasiirku xog waran balladhan ka siiyey horumarka Somaliland iyaga oo ila afgartay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyada beeraha, ka faaiidaysiga tamata qoraxda, waxbarashada iyo dhinca socdaalka iyo dal ku galka
  • Wasiir ku xigeenku waxa uu sidoo kale kulan balladhan la qaatay xubno ka tirsan baarlamaanka midawga yurub isaga oo wasiirku uga xog waramay xaalada dalka ee hadda waxaanay xubnahaasi ballan qaadeen inay sii wadi doonan taageeraadooda Somaliland ee dhinaca aqoonsiga iyo inay gaadhsiiyaan fariinta Somaliland barlamaanka yurub

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here