Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Oo Kormeeray Dhismaha Jidka Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

0
1403

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen badhasaabka gobolka Sool iyo maayarka Laascaanood ayaa maanta soo kormeeray Waddada isku xidhaysa garoonka diyaaradaha Laascaanood iyo isla magaaladda Laascaanood.

Jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 4 KM iyo 8 Mitir, waxaa maalgelinteedda iska kaashaday dawladda hoose   ee Laascaanood, wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo  hay’ad Maraykanka ah oo magaceedda la yidhaahdo Tesplasa.

Dhismaha jidkaasi oo maanta si rasmiya u bilawday ayaa xiligii ay masuuliyiintani kormeerka ku tegeen waxaa Cagaf-cagafyadu ku hawlanaayeen kala bixinta Ciidda iyo isku-simista dhulka, iyadoo isla shalay   ay   dhigeen 3 Mitir ee ugu horeeyay.

Sida uu sheegay Injiineerka shirkadda Waddadaasi  dhisaysa oo  warbixin siinayay masuuliyiintii kormeerka ugu tegay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/qaadir Sheekh Maxamuud, oo hadal ka jeediyay intii ay ku guddo jireen kormeerkaasi ayaa sheegay in dhismaha jidkani uu wax weyn ka bedeli doono muuqaalka iyo sumcadda gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaanu wasiir ku-xigeenku u mahad celiyay cid kastoo gacan ka gaysatay dhismaha Wadaddan oo inta badan ay ka caban jireen ganacsatadda Qaadku uga soo dego.

Isagoo arrimahan ka hadlayayna waxa uu yidhi “ILLAAHAY (SWT) ayaa mahad iska leh, oo maanta aniga iyo madaxda gobolka Sool na joojiyay bilawga Wadaddani. Taasoo aan leeyahay Carro-kaawo noqon maysee, Laami ayay noqonaysaa. Horumarku kama horeeyo Wadooyinka.

Garoonka diyaaradaha Laascaanood, oo Laami la saarro 5-taa KM, wax weyn ayay ka bedeli doontaa magaca iyo muuqaalka iyo sumacadda gobolka Sool.

Aad ayaanan ugu faraxsanahay,  ILLAAHAY-na (SWT) waxaan ka baryayaa in aan iyadoo Wadaddani dhaamadda aan imaado maalinta xadhiga laga jarayo.  Aad-na waxaan ugu amaanayaa, ugu-na mahad naqayaa, cid kastoo ka qayb qaadatay dhismaha jidkani”.

Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Maxamed (Taarwale), ayaa ugu bushaareeyay gaancsatadda iyo bulshadda Laascaanood in uu ku rejo weyn yahay in dhawaan xadhiga laga jari doono jidkaasi oo Laami ah.

Sidoo kale maayarku waxa uu sharaxaad ka bixiyay kuwa ay yihiin hay’adaha iyo wasaarradaha iska kaashaday dhismaha jidkani.   “Maanta  waa meel Boodh iyo siigo ka kacayso. Laakiin, maalin aan fogayn ayaan furi doonaa iyadoo Laami ah oo Daamurku saaran yahay, oo aan wax Boodha lahayn, ayaan xadhiga ka jari doonaa, haddii ALLE (SWT) idmo.

Dhismaha Wadaddani waxaa iska kaashaday, hay’adda Maraykanka ee la yidhaahdo Tesplasa, dawladda hoose ee Laascaanood, dawladda dhexe ee Somaliland gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Dhinaca kale,  Wadadda oo garoonka diyaaradaha  Laascaanood ku xidhaysa magaaladda inteedda kale oo markii hore ahayd mid Carro-kaawo ah, ayaa inya badan waxaa maritaankeedda ka caban jiray ganacsatadda Qaadku uga soo dego.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here