Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Maaliyadda Oo Socdaal Kormeer Iyo Dardargelina Ku Tegay Kastamadda Galbeedka

0
896
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Cabdiqaadir Maxmuud Sh. Muxumed (Dhagaweyne)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Xubno ka mida Shaqaale-weynaha Waaxda Dabagalka (Internal Audit) –ka wasaaraddaasi ayaa u Guureeyay Qaybo ka mid ah Kastammada Galbeedka ee Somaliland si ay u soo Koormeeraan una soo hubiyaan habsami u socodka Kastamadda qaranka dhaqaalaha looga soo xareeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Cabdiqaadir Maxmuud Sh. Muxumed (Dhagaweyne) oo ay weheliyaan Shaqaale weynaha waaxda Dabagalka (Internal Audit)-ka ee Maaliyadda, ayaa habeen hore (Arbacadii) waxay socdaal shaqo oo Guurayn ah ku tageen Kastamadda ku yaal Deegaanadda Galbeedka ee Somaliland, waxaanay halka u tageen si Kormeer hubin iyo la xisaabtan loogu soo sameeyo qaybo ka mid ah kastammada galbeedka kuwaas oo kala ahaa kastamka Arabsiyo, kastamka Kalabaydh iyo kastamka Wajaale.

Waftigan uu hoggaaminayo wasiir-ku-xigeen Md Cabdiqaadir Maxmuud Sh. Muxumed (Dhagaweyne), ayaa ka koobna 20 sarkaal oo ka tirsan waaxda Dabagalka Wasaaradda Maaliyadda ee (Internal Audit)-ka, waxaana ujeedadoodu ahayd u kuur-galidda xaaladda rasmiga ah ee dakhliga dalka, dar-dargalinta habsami u socodka shaqada kastammada iyo kor u qaadidda dakhliga.

Dhinaca kale Maadaama oo dhawaan la ansixiyay miisaaniyad-sanadeedka 2019 ka ayaa waxay wasaaraddu, ayaa muhiimadda koobaad saaraysaa kor u qaadidda dakhliga si ay wasaaradaha ugu diyaariso kharashkii ay ku fulin lahaayeen mashaariicaha horumarineed ee sannadkan loogu tala galay in ay ka qayb qaataan kor u qaadidda xaaladda nololeed ee shacabka.

Waa markii u horreysay ee wafti ballaadhan oo ka koobaan Wasiir-ku-xigeen iyo Waaxda Internal Audit-ku ay u baxaan koormeer shaqo oo ku saabsan dardar-galinta dakhliga tan iyo intiii la ansixiyay miisaaniyadda qaranka.

Zir Abdiwali Ali Ismail

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here