Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Emarites ufadhiya Somaliland Oo La Kulmay Maareeyaha Guud Ee Shirkadda Laydhka DUBAI.

0
1514

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Emarites ufadhiya Somaliland Oo La Kulmay Maareeyaha Guud Ee Shirkadda Laydhka DUBAI.

Dubai -(Hargeisapress)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland mudane Liibaan Yuusuf Gaax-nuug iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka imaaradka Amb.Yaasiin Xassan Cabsiye ayaa kulan la qaatay maareeyaha guud ee shirkadda laydhka DUBAI sheekh Irfan Al-julfar,halkaasi oo ay kaga wada hadeen xidhiidhka arrimo badan oo khuseeya labada waddan.


Maareeyaha guud ee shirkadda laydhka DUBAI sheekh Irfan Al-julfar ayaa xubnahan ka socda dawladda Somaliland ku amaanay dadaal ay ugu jiraan sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeen fursadaha maal-gashi ee Somaliland isagoo maareeyhu ballan qaaday inuu isaggu dhankiisa la shaqayn doono wasaaradaha ay xidhiidhka leeyihiin ee Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland mudane Liibaan Yuusuf Gaax-nuug iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka imaaradka Amb.Yaasiin Xassan Cabsiye ayaa iyaguna dhankooda u mahad celiyay maareeyaha iyagoo xusay inay sare u qaadayaan wadashaqaynta ganacsi ee HARGAYSA iyo DUBAI.

Main hargeisapress office

General editor

Ahmedyasin sh omar ahmed

LEAVE A REPLY