Wasiir Ku-Xigeenadda Cusub Ee Wasaarradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Oo Ka Dareen Celiyay Xilalka Loo magacaabay

0
1158
Maxamed Daahir Axmed, wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda maaliyadda iyo Eng. Xuseen Ibraahim Buuni, wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda qorshaynta

Hargeysa (HargeisaPress) —Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta qaranka ee  xukuumadda cusub ee madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi,  ayaa ka dareen celiyay xilalka loo magacaabay  iyo waxyaabaha ay rejaynayaan in ay ka qabtaan wasaaradaha loo dhiibay.

Maxamed Daahir Axmed, wasiir ku-xigeenka cusub ee  wasaaradda maaliyadda iyo  Eng. Xuseen Ibraahim Buuni, wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda qorshaynta waranka oo   shalay si wada jir ah magaaladda Hargaysa warbaahinta ugula hadlay,  ayaa ugu horayn  madaxweynaha   uga mahad celiyay xilalka uu u magacaabay.

Eng. Xuseen Ibraahim Buuni,  ayaa isagu ku tilmaamay magacaabista uu madaxweynuhu u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka tuhun uu  ku tuhmay in uu hawshaasi ka caawin karro.

Waxaanu sheegay in xilka loo magacaabay aanu ahayn mid uu isagu  wax ka  dheefayo, balse laga dhigay adeege ummadeed, isagoo-na  madaxweynaha uga mahad celiyay xilka uu u igmaday.

Waxaanu  yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waan uga mahad celinayaa magacaabista uu ii magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka.

Magacaabistayda  waxaan u arkaa in ay tahay tuhun uu madaxweynuhu I tuhmay, shaqo ama hawl la isku dirro, ta ugu qiimo  weyn oo ah in adeege ummadeed lagaa dhigo.  Waanan  uga mahad celinayaa madaxweynaha in uu adeege ummadeed iga dhigo”.

“Ma aha in jaggo aan anigu leeyahay la ii magacaabay, ama mansab ii gaar ah. balse waa mansab uu madaxweynuhu ii tuhmay in aan ka caawin karro, oo aan u adeegi karro ummadda. Tuhunkaa uu madaxweynuhu I tuhmay-na, waxaan ILLAAHAY (SWT) ka baryayaa in uu igu asturro, oo uu ii fududeeyo.

Mar labaad iyo mar saddexaad-ba,  waan uga mahad celinayaa madaxweynaha magacaabista uu  I  magacaabay iyo wasaaradda miisaanka leh ee uu ii magacaabay-ba”ayuu yidhi Eng. Buuni.

Geesta kale wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed, ayaa  sheegay in xilka loo magacaabay uu yahay mid culus, balse qiimahiisa leh haddii uu masuulku  u marro dariiqa saxda ah.

Waxaanu  madaxweynaha uga mahad celiyay dariiqa uu u maray xulashadda golihiisa wasiirrada, oo ah in aanay cid kale u yeedhin laakiin,  uu isagu ku soo xushay kartidoodda iyo aqoontoodda.

 Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xilka ah u adeegidda bulsho, waa hawl culayskeedda leh, qiimaheedana leh haddii uu qofku garto, oo uu u marro dariiqa ay leedahay,  ee ah u adeegidda dadweynaha.

Waxaan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi,  uga  mahad naqayaa, dariiqa uu u maray xulashadda golahiisa wasiirrada,  gaar ahaana dhalinyaradda oo aanu u marin dariiqyadii hore ee loo mari jiray, oo ahayd in dilaal siyaasadeed, madax dhaqameed ama nin ganacsade ah oo xaafadiina ah uu kuu geeyo.

Madaxweynuhu isagaa  na soo xushay, isaga ayaanan la shaqaynaynaa, isaga ayaan-na nala xisaabtamaya. Haddii aanu masuuliyadda ka soo bixi wayna-na, isaga ayaa shaqadda  naga bedelaya”.

Maxamed Daahir  Axmed, waxa kaloo uu tilmaamay in wasaaradda maaliyadda ee wasiir ku-xigeenka looga dhigay uu muddo dheer ka soo tirsanaa, isla markaana uu aqoon u leeyahay shaqadeedda.

 “Xilka wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda ee la ii magacaabay, waa  wasaarad aan aqoon ahaan ka tirsanahay, iyadoo aqoontaydu-na maaliyadda iyo hanti-dhawrka ay tahay.  Intii  karaan kayga ah  waxba ka hagran maayo”.

LEAVE A REPLY