Wasiir Koore Oo Faraagare Jaan-dheer Kula Ciyaaray Dadweynaha Tuka-raq

0
701

Tuka-raq (HP):Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa si diirran waxa loogu soo dhaweeyey Magaalada Tukaraq,

Wasiirka iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal hawleed ku joogga Gobollada Sool iyo Xaysimo, Carroolay iyo deegaamo kale oo ku yaalla jiidda u dhow xadka Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu qaarkood mashaariic cusub ka dhagax dhigay.

Wasiirka oo ay socdaalkan ku wehelinayaan guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo Kaydka raashinka qaranka Faysal Jaamac Xirsi (Xawte), Wasiirkii hore ee Maaliyada.

Wasiir-u-dawlihii hore ee Wasaaradda Macdanta ee Xukuumaddii Siilaanyo iyo saraakiil ka tirsan laamaha Dawladda ayaa waxa duleedka magaalada Tukaraq ku qaabilay boqolaal kamida Bulshada halkaasi ku dhaqan oo Calanka Somaliland iyo caleemo qoyan ruxaya.

Xubno kamida Odayaasha deegaankaTukaraq oo soo dhaweynta kaddib, halkaasi hadallo ka jeediyey, ayaa weftiga Wasiirka uga waramay xaalada nabad-gelyo, nololeed iyo horumarreed ee deegaanka, waxaanay dhamaantood iska daba mareen inay Xukuumaddu waxqabad muuqda ka hirgelisay.

Wasiirka Saleeban Yusuf Cali (Koore) oo isna Dadweynaha la hadlay ayaa shacbiga ku boorriyey in ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo dhibaato ku keenaya nabad-gelyada iyo midnimada dhexdooda, isagoo dhanka kale tilmaamay in aanay dawladdu horumarka ay wado joojinayn ee ay sii wadayso.

“Aad baan idiin kaga mahad celinayaa in aad idinkoo kal iyo laab ah igu soo dhaweysaan magaca, Haybada iyo maamuska Qaranka Somaliland.

Waxaan isleeyahay haddaan xusuusta maskaxda dib u celiyo sawirro badan oo kan maanta ka duwan ayeynu deegaamadan ku kulanay, laakiinse taanna allaa qadaray tanna alle ayaa qadaray.”ayuu yidhi horeyn Wasiirku kaga dareen celiyey soo dhaweynta loo sameeyey weftigiisa.

isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Dawladda Somaliland, Waxaynu dhisnay Cisbitaalkii oo aynu dumarka u samaynay Waadhkii ay ku umuli lahaayeen ee ay joogi lahaayeen shanta iyo lixda maalmood, Biyihii ayeynu samaynay oo aynu gelinay Masaajidada iyo Dugsiyada, ceelkii labaadna iminkaa la soo qaaday oo wuxuu ku jiraa wajiga labaad in magaalada la keeno.

Saldhigii nabad-gelyada ayaa wax laga qabtay, wax walbaana waxay u baahan yihiin in la kordhiyo, laakiinse bilow fiican ayeynu haysanaa, waana sii wadaynaa” ayuu raaciyey hadalkiisa isagoo ka waramaya mashaariicda dawladdu ka fulisay magaaladaasi intii ay gacanta ku haysay Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay Bulshada. “Waxaynu u baahanahay Tuka-raq wada nool , tuka-raq wada nabad ah, tuka-raq dugsiga wada dhigata, tuka-raq biyo wada cabta iyo tuka-raq Cisbitaal wada leh.

Waxa laga yabaa in wakhtigii hore dad badani u arkayeen dhibaato in Ciidamadu halkan yimaadaan, laakiinse maanta haddii la yidhaahdo Ciidanka waa la rarayaa qaar badanbaa naxaya”ayuu yidhi wasiir Koore.

Dhanka kale Wasiir Saleeban Yuusuf Cali (Koore) waxa uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Maamulka Puntland oo lagu dafiray Ciidan ka soo goostay oo ay weftiga Wasiirku intii ay ku sugnaayeen Gobolka Xaysimo halkaa ku qarameeyeen.

Waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi “Waxa jiray Ciidan ka soo goostay Puntland oo uu watay Col. Cali Faarax Diiriye (Cali Baalle) oo aanu maalintii dhaweyd ku qamaynay Deegaanka Taleex oo ay Odayaal kamida Maamulkaa Puntland yidhaahdeen garan mayno, qaarna ay yidhaahdeen waanu ruqsaynay.

Markaa qolada leh maanta garan mayno Col. Cali Baalle, waa qolo aan Puntland lafteeda garanayn, waa dad umadda been u sheegaya, waa dad naftooda been u sheegaya”.

Geesta kale, Wasiir Koore iyo xubnaha weftiga, ayaa fagaarihii lagu soo dhaweeyey kula ciyaaray Dadweynaha nooca ciyaar-dhaqameedka ee halkaasi laga ciyaaro oo ah Jaan-dheer.

Deegaankan Tuka-raq oo labadii sanno ee la soo dhaafay gacanta Somaliland soo galay ayaa waxa dhowr jeer dagaal maryo dhiig leh la kala furtay waxa uu ku dhex maraay Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamul-goboleedka Puntland, oo isku dayo badan oo ay doonayeen in ay ku furtaan deegaankan ku guul-daraystay.

Tuka-raq ayaa ah deegaan muhiimad weyn u lahaa Maamulkaas, waxaana ku yaallay Kastam cashuureed dhaqaale badan uga soo xeroon jiray Maamulka Garoowe oo aan wax horumar ahi kaga soo noqon jirin deegaanka iyo bulshada toona.

Weftiga wasiirka oo ku guddo jiray safarkoodda ayaa gaadhay degaanka Carroolay, halkaas oo ay si balaadhan ugu soo dhaweeyeen odayaasha, waxgaradka, haweenka, dhalinyaradda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale mid ka mid ahaa odayaashii weftiga wasiirka warfaafinta ku soo dhaweeyay degaanka Carroolay ayaa u sheegay wasiirka in bulshadda degaankaasi ay si buuxda u raacsan yihiin dawladda Somaliland, isla markaana looga baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan.

Waxaanu yidhi, “Wasiirka waxaan leeyahay, wax goyntiinu ragiina Somaliland ka tirsan, hore waxba umaydaan goyn jirin. Laakiin, maanta wax baad goynaysaan, ee ha garan waayin. Dadkiinii iyo dalkiiniiba wuu idin raacsan yahay.

Madaxweynaha-na fariin baan u dirayaa oo waxaan leeyahay, afar iyo labaatan sanno wixii aad daba joogtay, maanta fursad baad u haysataa, oo nasiib kaagaa ugu soo beegay Muuse Biixiyoow. Ka faa’iidayso”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here