Wasiir Ingiriis Ah Oo Socdaal Uu Hargeysa Ku Yimid Ka Dib, Soo Jeediyey In Doorashada Somaliland Looga Faa’iidaysto Soo Noolaynta Wada-hadallada Soomaaliya

0
1132

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Rory Stewart oo Toddobaadkan booqasho ku yimid Magaalooyinka Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa markii uu dib u ugu laabtay Dalkiisa, ayaa ka hadlay Ujeeddada Safarkiisii.

War lagu baahiyey Bogga ay Internet-ka ku leedahay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee UK, ayaa lagu sheegay in Mr. Stewart  oo booqashadiisa uga faa’iideystay dib u eegista heshiisyadii lagu saxeexay shirkii Soomaalida ee London bishii May, iyo in uu indha-indheeyo kaalmada bini’aadanimada iyo horumarin ee Ingiriiska ku taageero dadka Soomaaliya, “Dowladda Ingiriiska waxaa ka go’an in ay taageerto nabadda iyo horumarka Soomaaliya, waxaana kaalin weyn ka ciyaarnay in Beesha caalamka ay kaalmo iyo taageero bixiso. Horraanta sanadkan waxaan marti galinay Shirkii Soomaalida ee London, waxaana aad ugu qancay horumaarka weyn ee la sameeyey, gaar ahaan dhinacyada dib u qaabeynta amniga.”  Ayuu yidhi Wasiirka Afrika ee UK oo War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibaddu baahisay soo xiganayo, waxaanu intaa ku daray “Iyadoo dalka uu waajahayo abaar xooggan, waan ku faraxsanahay in Dowladda Ingiriiska ay bixisay deeq aad u badan oo ku aadan jawaabta bini’aadanimada deg-degga ah oo samatabixisay nolosha dad badan. Waxaan si weyn u aaminsanahay in gurmadka kaalmada deg-degga ah ay qayb ka tahay jawaabta mustaqbalka fog ee wax looga qabanaayo arrimaha taagan iyo cidhib-tirka mushkiladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ka taagan. Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan si dhow ula shaqeyno dowladda Soomaaliya, si hadafka la hiigsanaayo loogu guuleysto”

Sida lagu sheegay Qoraalka ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibedda Wasiirka Afrika markii uu booqashada ku yimid Somaliland, waxa uu booqday Xarumaha Nafaqeynta hooyada iyo dhalaanka, oo ku soo arkay muhiimadda kaalmada Ingiriiska bixiyo. Intii Hargeysa uu ku sugnaa, waxa uu sidoo kale la kulmay wakiilada ururada bulshada rayidka ah iyo Dawladda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibedda waxay sheegtay in Wasiir Stewart intii uu ku sugnaa  Somaliland uu soo dhaweeyay Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Bisha November ee Sannadkan 2017-ka ka dhacdo Somaliland, sida Qoraalka lagu sheegayna wuxuu hoosta ka xariiqay Muhiimadda ay leedahay in doorashooyinkan ay noqdaan kuwa u dhaca si caddaalad ah oo xor ah.

Wasiirka Afrika ee Dawladda Ingiriisku wuxuu ku booriyey Dowladaha Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah inay ka faa’iideystaan muhiimadda doorashooyinkan si dib loogu soo nooleeyo buu yidhi wada-hadalladii u dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here