Wasiir arrimaha gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Colaadda Sanaag, Kana Jawaabay Eedda Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ku Xidhiidhiyay Colaadaas

0
1022
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu sheegay in xukuumaddu aanay dib uga dulqaadan doonin dhiig kale oo halkaasi ku daata, waxaanu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dagaalku dhex maray inay si deg deg ah u joojiyaan colaada.

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, waxaanu xusay inay lagama maarmaan tahay in talaabo adag laga qaado cid kasta oo ku lug leh colaada labada beelood ee walaalaha ah ka dhex taagan. Waxaanu u soo jeediyay odayaasha deegaankaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada qaranka iyo waxgaradka ku hawlan arrimaha xasilinta amaanka.

“Dhacdadii naxdinta iyo murugada laheyd ee ka dhacday degmada Ceel-afweyn, oo dhimasho iyo dhaawac fara badan sababtay, waxaan tacsi guud u dirayaa ehelkii iyo qarabadii ay dadkaasi ka geeriyoodeen inuu ILLAAHAY samir iyo iiman ka siiyo, inta dhaawaca ah waxaan Illaahey uga baryayaa inuu caafimaad deg dega siiyo, maaha markii koobaad ee ay arrintani meesha ka dhacdo, maanta lama fileyn in arrintani ay dib  u soo noqoto, waxaan jecelahay in gacan laga siiyo maamulka gobolka, ka degmada, ciidamada qaranka ee ilaa caasimada Hargeysa laga diray, ciidanka booliska iyo ka qarankaba ah ee nabad-galiyada ka shaqeyna, waana in dadka odayashaa ahi ay gacan ka siiyaan,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Maxaamed Kaahin waxa uu intaasi raaciyay “Labada dhan ba waxaan ku wargalinaya oo khasab ah in shaqaaqadani halkaasi ku eekaato, oo aan colaad danbe oo sababta dhimasho iyo dhaawac danbe aan la sameyn, waayo tiro konton ka yar ayaa dhimasho iyo dhaawac ah, haddii maanta la yidhaaho tirada intaa leegi maxay ku dhimatay amase ku dhaawacantay, cid sababeyneysaa ma jirto, taasina waxa ay ina tusaysaa in aanay ku dhicin caqli saliima, labada dhan ba waxaan ugu baaqaya in la joojiyo colaada oo dadkana dhibaatada laga daayo, goobta lagu dirirayaana waa halka abaartii ugu adkeyd ay ka dhacday, waa goobihi hadhaagii iyo baaqigii ka soo samato baxay ayaa hadana colaadan la dhex dhigay, waa in odayaasha dhaqanka iyo culimadu ka shaqeeyaan talaabooyinka lagu xasilinayo nabad-galiyada labada dhinac ka socota.”

Wasiirku waxaa uu  sheegay  in ay lagama maarmaan tahay in tallaabo laga qaado cid kasta oo ku lug leh colaada labada beelood ee walaalaha ah ka dhex taagan, waxaanu yidhi  “waa lagama maarmaan in nabad-galiyada la xasiliyo, oo aan loo dulqaadan in khasaare intaas ka badani dhaco, waxa lagama maarmaan ah in dadka nabad-galiyada dhaawacaya talaabo laga qaado, markaa waxaan leeyahay inagamay go’eyn in khasaare intaas leegi dhaco, in cadaawadu korodho, in is nacaybku uu kordho, oo haweenka iyo caruurta lagu ababiyo is naceyb, waayo inta Qiyaamuhu ka dhacayo labadan beelood halkaasi uun bay deganaanayaan, Somaliland-na awood uma laha in la kala raro oo laba kun oo kiiloomitir la kala geeyo, labadaasi beelood-na waxay iska xigaan mid waliba mid uu la qabiil yahay, markaa waxaan soo jeedinayaa ciidamada goobtaas loo diray in hawlaha nabadeynta ah ee ay halkaasi ka fulin doonaan gacan lagu siiyo.”

“Aad ayaan uga xumahay in xisbiga WADDANI arrintan uga hadlo si fool xun, waxay u muuqaneysaa inay xaaladu sii fogaato, sabab ay xukuumada Somaliland mid ugu duusho meeshaba ma taalo, mana dhici karto anaguna ma sameyn karno, saaxiibadayadana waxaanu leenahay idinku colaada iyo cawaaqib xumada aad hurineysaan ka dayaa ummada.” ayuu yidhi wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here