Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo u Mahadcelisay Ciidanka Booliska iyo Masuuliyiin Kala Shaqeeyey Furitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah

0
1288

Hargeysa,(HargeisaPress) — Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliand ayaa Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaantay sidii ay u sugeen ammaanka goobaha uu maanta ka furmay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee  fasalka Siddeedaad ee dugsiga dhexe iyo Fasalka Afraad ee dugsiga sare.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee  Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax oo galabta u warramayey Wakaaladda Wararka Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyey Ciidanka Booliska Somaliland oo uu tilmaamay inay ula hawlgaleen si wax ku ool ah. waxaanu tilmaamay inuu ammaanayo Taliska ciidanka Booliska oo goob kasta u diyaariyey ciidan gaar ah oo ammaanka suga, lana shaqeeya hawlwadeennada Wasaaradda Waxbarashadda.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku waxa kaloo uu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisu ula shaqeeyeen wasaaradda Waxbarashada si weyn gaar ahaan ugala hawlgaleen gaadiid dhiidhi galay oo u socday bariga fog ee gobolka Sanaag.

Daa’uud Axmed Faarax waxa kaloo uu u mahadceliyey Saxaafadda dalka iyo Xisaabiyaha guud ee qaranka oo uu xusay inay si waddaniyad leh ula shaqeeyaan Xafiiska Imtixaanaadka iyo Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here