Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Furashada Dugsiyo Cusub

0
998

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland  Cismaan Jaamac Aadan,  ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha furashadda dugsiyada gaarka loo leeyahay ee cusub.

Taasoo looga dan leeyahay in lagu xakameeyo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda.

Wareegtada  waxbarashada ayaa u dhignayd sidan: “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha waxbarashada Gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo dastuurka jamhuuriyadda Somaliland”.

Wareegtadda lagu joojinayo furashadda dugsiyadda waxbarasho ee gaarka loo leeyahay ayuu wasiirku u cuskaday qodobadan, “Haddaba, iyadaoo wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka.

Laga  bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools).

Waxa kaloo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches)”.

“Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY