Wasaaradda Waxbarashada & Hay’adda Qurbajoogga Oo Si Wadajir Ah U Dhagax Dhigay Dhismaha Dugsi Jaalliyadda Somaliland Ee Maraykanku Maalgelinayaan

0
991

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaaradda Waxbarashada & Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose/dhexe sideed fasal ah oo Jaalliyadda Somaliland ee dalka Maraykanku soo maalgelinayaan dhismihiisa deegaanka loo yaqaanno Oromada ee Galbeedka Hargeysa.

Munaasibadda dhagax dhigga oo lagu qabtay isla goobta laga dhisi doono dugsigaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed Furreh, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex, Mudane Xuseen Cabdi (Xuseen-Dheere), Agaasimaha Kormeerka Guud ee Waxbarashada, Mudane Xasan Cabdillaahi Rooble (Xasan Qaxar), Madaxa Tirakoobka Waxbarashada, Marwo Ubax Maxamed Ducaale, iyo saraakiil kale oo ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Debadda, Xubno ka mid ah Gudida Bulshada Deegaankaas, xubno ka mid ah Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Imaaraatka ee dalkooda ku soo noqday, boqolaal ka mid ah carruurta ayniga dugsiga gaadhay ee aan badankoodu waxbarasho ku haysan immika deegaankooda, macalimiin, madhax-dhaqameed, haween iyo marti sharaf kale oo badan oo bulshada deegaanka ka tirsan.

 Waxa ugu horrayn ka hadlay xafladda dhagax dhiga Guddoomiyaha Bulshada deegaankaas Mudane Maxamed Xasan iyo Kosaar Cabdi Cadduur oo ka mid ahaa gudida bulshada kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda bulshada gaar ahaan la’aanta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah ee waxbarasho dhamaystiran  iyo gargaarka caafimaadku ugu horreeyaan oo aanay bulshadoodu labada haysan oo deegaan ballaadhan oo illaa 500 qoys ku dhaqan yihiin. Xubnaha gudida ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay Qurbajoogga Somaliland ee dalka Maraykanka ee ka damqaday baahidooda, kana aqbalay codsiga ay u gudbiyeen ee ah in loo dhiso dugsi hoose/dhexe ku filan carruurta deegaanka oo dabooli kara baahidooda xagga waxbarashada aas’aasiga ah ee marxaladda hoose/dhexe.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi ayaa oo ka hadlay xafladda dhagax dhigga ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay bulshada deegaanka ee gartay nay ilaashadaan dhulkooda danta guud, go’aansadaanna in looga dhiso dugsi waxbarasho ubadkoodu waxku bartaan, mahadnaq iyo bogaadinna u gudbiyay gudiyada, ururada iyo xubnaha bulshada jaalliyadda Somaliland ee ka aqbalay Hay’adda Qurbajoogga inay soo fuliyaan waxqabadkan oo uu ku tilmaamay inay wax uga qabanayaan si hee qaan ah oo gudiyada iyo xubnaha firfircoon ee u guntaday waxqabad yihiin dad ka soo kala jeeda gobollada Somaliland kuna midaysan magaca Somaliland iyo waxtarka danta umadooda Somaliland. “Waxa aan u mahad celinayaa Jaalliyadda Somaliland ee Maraykanka ee kadib codsigaas nooga yimi bulshada deegaanka ee aan u gudbinnay naga aqbalay inay dugsigan soo dhisaan, waan ku bogaadinayaa, waxanan ku dhiirrigelinayaa inay ka dhabeeyaan ballanqaas ay bulshada u qaadeen ee lagu dhagax dhiga dugsigan maanta, waana mid tusaale fiican u noqonaysa sidaas heerka qaran ah ee ay usoo maalgelinayaan mashruucaas inay jaalliyadaha kalena kaga daydaan. Ka sokow maalgashiga ay dalka ka gaystaan, waxa kale oo aan ugu mahad celinayaa qurbajoog badan taageerada iyo doorka ay qaateen adeegyo waxbarasho iyo baahiyo aas’aasi ah heerkasta iyo qaabkasta oo iskaashigoodu ku yimiba, waxanan doonaynaa inaan sii kordhinno oo fulinno Mashruuca Qurbajoog Waxqabad Qaran oo ugu yaraan hal baahi gobol walba lixda gobol ee waaweyn ee dalka Jaalliyaddu soo qabtaan, waxyarba ha noqdee. Waxa aannu u qorshaynay baahiyo kala duwan oo adeegyada bulshada ah oo lixda gobolka ka jira jaalliyadaha Somaliland ee wadamo kala duwan inay sannadkan waxka soo qabtaan,” ayaa ka mid ahaa hadalkii Guddoomiyaha.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed Furreh oo ugu horrayn uga mahad celiyay Jaalliyadda Somalialnd ee dalka Maraykanka taageeradooda waxqabad ee dhismaha dugsigan la dhagax dhigay, isla markaana  hadallo guubaabo iyo dhirrigelin ah usoo jeediyay guud ahaan Qurbajoogga Somaliland isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in Qurbajooggu iskaashadaan oo dhaqaale isku daraan si ay maalgashiyo buuran dalka ugu sameeyaan, shaqo abuurna bulshada ugu sameeyaan, sidoo kalena, kordhiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha oo ah qaabka ay Qurbajoog wadamo badani uga qaybgalaan dhsmaha iyo horumarka dalkooda ayuu yidhi. Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska ee Gobolka Maroodijex, Mudane Xuseen Dheere ayaa isaguna khudbad guubaabo, dhiirrigelin iyo canaanba isugu jirta u jeediyay bulshada deegaanka isagoo u sheegay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay iyaga masuuliyadda koowaad ee waxbarashada ubadkoodu saarantahay oo looga baahan yahay inaanay ka daalin inay u hadlaan oo albaab walba u garaacaan sidii ay uga bixi lahaaayeen baahiyaha xagga waxbarashada.

Sida Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajooggu ka akhriyay xafladdan dhagax dhigga dhismaha dugsiga, waxa soo maalgelinaya mashruucan bulshooyinka Jaalliyadda Somaliland ee gobollada dalka Maraykanka kuwaasoo uu Guddoomiye Dayaxweerar tilmaamay in xubnaha, gudiyada iyo/ama ururada Qurbajoogga ee hormoodka u ah dhaqaale ururintaas sidan hoos ku sheegan:-

Diaspora Community Organization Focal Points
Somaliland Community of Greater Washington DC 1)      Jamal Yuusuf Daroor (Chairperson)

2)      Samia Abdulle  Walanwal

3)      Kaltun Hussein Essa

4)      Fuaad Hassan

5)      Fahiima Aar

Somaliland Community of Minnesota 1)      Ismail Jama Ahmed, Sandheere (Chairperson)

2)      Mustafe Nour Saeed

3)      Abdirahman Adam

4)      Abwaan Abdiqani Haji October

North America Somali Women Association (NASWA) 1)      Anab Mohamud Ali (Chairperson)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here