Wasaaradda Shaqogalinta iyo Arrimaha Bulshada Oo Taakulo Loogu Deeqay dadka Duufaantu ku dhufatay Guddoomay, Bulshadana ugu baaqay inay Ka Qaybqaataan Gurmadka + SAWIRRO

0
1421

Hargeysa , (HargeisaPress) —Wasaaradda Shaqo galinta iyo arrimaha bulshada ayaa maanta kulan la yeelatay hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin, waxaana kulankaasi lagu falanqeeyey sidii taakulayn deg deg ah oo xoogan loo gaadhsiin lahaa dadka ay saamaysay duufaantii 17 ilaa 19 Bisha May ee aynu soo dhaafnay ku dhufatay Xeebaha Somaliland.

Kulankan oo ay shirgudoominaysay Wasiirka shaqogalinta, arrimaha buslhada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Gaani, kana qayb galeen Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), masuuliyiin ka socda haya’addaha, Ardey taakulo ku deeqday oo ka socotay jaamacadda Gollis iyo shaqaalaha wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda shaqogalinta, arrimaha Bulshada iyo qoyska oo madashaasi ka hadashay ayaa bulshada Somaliland ku boorisay inay ka qayb qaataan taakuleynta dadka duufaanadu saameeyeen, waxaanay tidhi “Duufaanada ku dhuftay Xeebaha Somaliland oo ay dadkii, beerihii iyo xoolihiiba wada dageen oo ay lama degaanka isku bedeleen, waxaanan rajaynayaa arintaasi sida ugu haboon aynu uga gurman doono haddii ALLE ka dhigo, waxaan marka hore si gaar ah ugu mahadnaqayaa ardeyda Jaamacadda Gollis iyo shaqaaleweynaha wasaaradda shaqogalinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo alaabahan aad aragteen iyagu ka gurmaday oo guryahoodii ka soo ururiyey”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqogalinta, arrimaha bulshada iyo qoyska oo shirka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu bulshada ugu baaqay inay si qayb qaataan taakulaynta dadka duufaanadu saameeyeen.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Halkan maanta waxaanu alaab kagala wareegaynaa Jaamacadda Gollis ardeydeeda oo alaab oo dadkaasi alaab u keenay ay iyagu is xilqaameen, shaqaalaha wasaaradda oo iyaguna alaab soo ururiyey, Dr. Abiib oo isaguna kabo ugu deeqay dadka duufaantu saameysay iyo Nin Jimcaale la yidhaahdo oo hay’adda amniga ee PRS madax ka ah oo isaguna lacag Kun Dollar ah noo soo diray oo aanu soo siinay baco iyo huudhaydh isu imaatinkani waxa weeyi uun inaanu bulshada tusno inay wax wada qabsadaan, dadkuna dadka wax tari karaan, hay’adaha aanu wada shaqaynana waxanu ka wada hadalnay sidii guddidii aanu dirnay warbixintoodii iyo warbixinihii kale la isugu daba ridi lahaa”.

Mid ka mid ah Ardeyda Jaamacadda Golis ka socotay ee isku xilqaantay inay taakulaynta la gaadhaan buslahda duufaantu saameysay ayaa waxa ay tidhi “Waxaanu isku daynay inaanu isku xilqaano inaanu ka qayb qaadano taakulaynta dadkii ku waxyeeloobay duufaantii ku dhufatay Xeebaha Somaliland, ka dib markii aanu telefishanka ka daawanay u kuurgalkii u horeeyey ee madaxweyne ku xigeenku ku tagay Xeebaha Lughaya, dhibaatadaasi waxa ay giligishay qalbigayaga waxa aananu u adkaysan weynay inaanu guryahayaga iska fadhino ka dibna aanu ku daawano dadkayaga dhibaatadu haysato, kolay ardey ayaanu nahay oo awoodayada dhaqaale waa ay iska xadidan tahay, laakiin waxaanu isku daynay inaanu ku tabarucno xoogayaga iyo wakhtiyagayaga, ka dib waxaanu bilawnay inaanu xaafadaha magaalada dhex marno guri kasta oo magaalada waxa yaala dhar aynu ka baxnay ama aynaan xidhanin”.

Shukri Xariir oo ku hadlay afka hay’adaha kulanka ka qayb galay ayaa waxa ay bulshada ku dhiirigalisay inay u diyaar garoobaan sidii ay bulshadooda tabaalaysan wax ula gaadhi lahaayeen, waxaanay tidhi “Waa in laga fikiro sidii wax loogu qaban lahaa dadkaasi tabaalaysan”.

Dr. Abiib oo ka mid ahaa dadkii taakulaynta ku soo deeqay ayaa isna kalmado halkaasi ka soo jeediyey waxaanu yidhi “Haddii aad meeshaasi tagtaan oo aad soo aragtaan waxa ku habsaday cuntada aad cunaysaan Ayaan idiin dhadhamayn, waxaan leeyahay dadka ganacsatada ah Sakooyinkii ayaad bixinaysaan waa xiligii sakooyinka la bixinayey, waxa kale oo aynu bixinaynaa sakooyinkii fidriga ah ee xiligan la bixinayey maanta dadka magaalooyinka ku nooli uma baahna dadka u baahani waa dadka halkaa jooga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here