Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Tababar ku Sabsan la Dagaalanka Cayayaanka Khudaarta Ku Dhasha u Qabatay Beeralayda dalka + SAWIRRO

0
943

Hargeysa,(HargeisaPress) —Tababarkan beeralayda lagu tababarayey sidii ay ula dagaalami lahaayeen ayaa si gaara u khuseeyey cayayaanka loo yaqaano Tuta Absulata (oo beeralayda u taqaano Magafe), kaasi oo ahaa waxyaabaha u badan ee ay beeralaydu ka cabanaysay Safarkii masuuliyiinta wasaaradda beeruhu ku tageen badi deeegaanada Beeralayda ah ee dalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo tababarka u furay beeralayda ayaa waxa uu tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin inay wasaaraddu ka soo jawaabto dalabkii beeralayda ee ahaa in wax lagala qabto cayayaanka aafeeyey wax soo saarkii khudaarta, kaasi oo sidii loola dagaalami lahaa khubaro ku takhusustay oo beeralayda ku tababari doonta la dagaalankiisa u dalbadeen.

Agaasimaha ayaa waxa uu xubnaha beeralayda ka socday kula dar daarmay inay iyaguna beeralaydii kale ee deegaanada ay ka yimaadeen gaadhsiiyaan, marka ay cilmi la dagaalanka cayayaanka khudaarta ku dhasha qaataan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Aadbaan ugu faraxsanahay inaanu ka soo jawaabno dalabkii beeralayda ee ahaa in wax lagala qabto cayayaanka ku dhasha khudaarta gaar ahaan cayayaanka aad u taqaanaan magafa, waxaanan rajaynayaa cilmiga aad halkan ka qaadataan inaad ku dabaqi doontaan wax ka qabashada beerihiina, isla markaana gaadhsiin doontaan beeralayda kale.

Tababarkan oo ka dhacay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka socda beeralayda dalka, iyada oo ay wasaaradda ka taageertay hay’adda GIZ.

Tababarkan la dagaalanka cayayaanka ayaa waxa uu ka dambeeyey ka dib markii masuuliyiinta wasaaradda horumarinta beeraha oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Mudane Axmed Muumin Seed safar ku mareen badi deegaamada Beeralayda ah ee dalka, kaasi oo waxyaabaha u badan ee ay ka cabanayeen ahaa Cayayaanka khudaarta ku dhasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here