Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Hay’addaha ka shaqeeya Beeraha Oo Isugu yimid Shir lagaga Arinsanayo Kobcinta Wax soo saarka Dalka

0
1226

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa furay shir ay Wasaaradda iyo hay’addaha beeraha ka shaqeeyaa kaga arinsanayeen sidii loo dar dar galin lahaa kor u qaadka hawlaha Cunto soo saarka dalka.

Shirkan oo ka dhacay xarunta wasaaradda horumarinta beeraha ayaa waxa ka soo qayb galay hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo khudbad halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay hawlaha beeraha marka ay hay’adduhu ka shaqaynayaan in guud ahaan laga wada socdo si loo doorto sida ay ugu kala muhiimsan yihiin.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Wasaaradda horumarinta beeruhu waxa ay dhiirigalinaysaa in dhammaan dhinacyada ka shaqeeya arrimaha beeruhu ay wasaaradda kala socodsiiyaan hawlaha ay qabanayaan si loo kala horumariyo siyaabaha ay muhiimadda u kala leeyihiin, isla markaana ay hawlaha la qabtaan joogto u noqdaan”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Shirkan aynu isugu nimid waxa uu daaran yahay sidii aynu uga wada socon lahayn hawlaha beeraha ee la qabanayo ee aanay cid walba meel gaar ah hawsha ka wadeen si ay kor ugu kacdo heerka cunto soo saar ee dalku”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha Mudane Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa waxa uu khudbadiisa ku tilmaamay inay muhiimadeeda leedahay in dhammaan hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeraha iyo wasaaradda beeruhu ka wada tashadaan nidaamka wax soo saar ee dalka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Sharaf weyn ayey dhamaanteen inoo tahay in Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeruhu shir ay kaga tashanayaan arrimaha wax soo saarka iskugu yimaadaan”.

Maareeyayaasha Cusub Ee Hay’addaha La tacaalida Aafooyinka & Kaydka Raashinka Faysal Cali Sheekh oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirka ka soo qayb gashay ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addooda waxa shaqayn balaadhan ka dhaxayso, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dhibaatooyinka qaranka waxa ka mid ah meelihii kaydka cuntada oo aanu dalku lahayn taasi ayaanu wasaaradda horumarinta beeraha ka wada shaqaynaynaa oo wada shaqayn balaadhan ayaa naga dhaxaysa”.

Shirkan ayaa mid maalin soconaya, iyada oo gabo gabadii shirka lagu balamay in la joogteeyo shirarka noocan ah.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here