Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Munaasibad Sakootin Ah U Qabatay Shaqaale Nairobi Ku Soo Baranaya Hagidda Diyaaraddaha + SAWIRRO

0
874

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Duulista Somaliland, ayaa 10 Shaqaalaheeda ka mid ah u diraysa Salaasadda Caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaasi oo ay ku qaadan doonaan tababaro ku saabsan Aqoonta Duulimaadyada Diyaaraddaha.

w duulista

Ardaydan oo ay gacanta ku haynayso Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Duulimaadyada ee ICAO ayaa ku guulaystay Imtixaan laga qaaday in ka badan kun qof, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Duulista.

“Runtii munaasibadani waxa ay daarantahay sagootin aanu ku  sii sagootinayno tobankii arday ee ku guulaystay imtaxaankii hay’adda ICAO ka qaaday, imtixaankaas oo ahaa lix iyo toban boos oo Soomaaliya iyo Somaliland la wada siiyey, waxaa xusid mudan in Somaliland ay toban boos ku guulaysatay,  oo ardaydani ay imtaxaan kaga soo dhex baxeen kun iyo laba boqol oo qof” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Duulista oo ka hadlayay munaasibad Xarunta Wasaaradda Duulista lagu qabtay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Cabdi Aadan ayaa dhalin yarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadan waxbarasho ee ay heleen.

duulista

“Dhalinyaradani marka ay Nairobi tagaan waxaanu ka rajaynaynaa in ay si fiican wax u bartaan,oo ay xasuusnaadaan in ay wadankooda Somaliland matalayaan, waxaa lala socon doonaa akhlaaqdooda, waxbarashadooda, xil gudashadooda iyo dhaqankooda, safiiro ayaad noqon doontaan, boqolaal ardayna waxbaad la baran doontaan, waxaanu rajaynaynaa in aad sumcada dalkiina ilaalin doontaan, waxa laydin barayana aad wakhti siin doontaan anguna waanu idiin hanweyanahay waanuna idinku kalsoonahay, safar wanaagsan ayaanu idiin rajaynaynaa .” ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here