Wasaaradda Duulista Oo Waxka Bedeshay Nidaamka Loo Qaado Cashuuraha Dadka Dhoofaya iyo Kuwa Soo Degaya

0
922

maamulaha madaarkaHargeysa, (HargeisaPress) — Maamulka garoonka Diyaaraddaha Hargeysa, ayaa sheegay inay wax ka badaleen hanaankii loo qaadi jiray Cashuuraha laga qaado dadka madaarada ka dhoofaya ama ka soo degaya. Qorshahan oo hirgalaya sanadka cusub ee 2015-ka ayaa lagu mideeyay Lacagaha Madaarka lagaga qaadi jiray Madaarka islamarkaana hal mar laga wada qaadi doono lacagihii qofka marka uu dhoofayo iyo marka uu soo degayaba laga qaadi jiray.

Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa isagoo arrintaasi faahfaahinaya yidhi “Waxaanu guud ahaan Macaamiisha adeegsata Madaarka ku wargalinaynaa in Nidaamkii Cashuur qaadista, hadday noqoto Cashuurtii Wasaaradda Maaliyaddu qaadi jirtay iyo hadday noqoto Cashuurtii Wasaaradda Duulistu qaadi jirtayba in nidaamkii wax laga bedelay, iyadoo aan wax cashuur kordhin ah la samayn.

Waxaa la samayn jiray in Qofku markuu dhoofayana Lacag laga qaado marka uu soo degayana Lacag laga qaado,markaa waxay Xukumaddu samaysay in halkii Wasaaradda Maaliyaddu qaadi jirtay 30 Dollar oo soo galitaan ah iyo 30 dollar oo bixi taan ah in qofka hal mar laga wada qaado oo marka uu soo galayo uun 60 Dollar laga qaado. Waxa kale oo jirtay Lacago wasaaradda Duulistu qaado hadday tahay 3 Dolar oo soo galis ah iyo 3 Dollar oo bixid ah iyo 10 Dollar oo Goluhu ansixiyay Lacagahaasna waxaa dadka lagaga qaadayaa Xafiisyada Dadku Fiisaha ka soo goosanayaan.” Ayuu yidhi Maamulaha Madaarku.

Maamulaha Madaarka ayaa sheegay in dadka dalka soo galay sanadkii 2014-ka ee laga qaaday Lacagihii hore ee dal ku galka mudo laba bilood ah loo sii shaqayn doono si looga qaado Lacagaha bixista, wixii hadda ka dambeeysa la qaadayo lacagahaas israacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here