Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Soo Bandhigtay E-baasaboorka Cusub ee Somaliland + DAAWO SAWIRRO

0
885

E-Passport. 2Hargeysa (HargeisaPress) — Wasaaradaha Arimaha Gudaha Somaliland ayaa soo bandhigtay baasabooradda cusub ee Somaliland E-passport loo yaqaano, kuwaasi oo la bixin doono inta la waddo diwaan-galinta muwaadinta.

Baasabooraddan oo ah saddex nooc oo kala ah Casaan oo Diplomaasiyiinta ah, mid Midow oo ka dadka caadiga ah ee Shacbiga loogu talo galay iyo ka greenka ah oo loogu talo galay shaqaalaha dawladda. Wasiirka ayaa sheegay in ay E-baasaborkan cusub uu yahay mid casri ah oo ay akhriyi doonaan dhamaan miishiinadda caalamiga ahi.

 

E-Passport

 

Wasiirka ayaa sheegay in dagaal loo gali doono sidii baasaborkan cusub looga dhaadhicin lahaa dalalka aan aqoonsanayn, waxaanu yidhi, “Waxaanu dagaal culus u gali doonaa dalalka wiixi aqoonsan maahee waxa kalena inaynu u bandhigno oo maadaama aynu taysarana samaynayno baasaboorkiina kan yahay aynu noqono dal ay walaalo yihiin oo ay jaar yihiin Soomaaliya. Dalalka wixii aqoonsaday oo ay Jabuuti u dambaysay oo ay maanta ku dhuftaan Baasaboorkan, wixii hadhayna dagaal loo gali doono haddii Alle yidhaahdo”.

 

 

 

 

 

 

 

Wariye Mustafe – Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here