Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Duulista Somaliland Oo Shaqaalaha Madaarka Cigaal U Qabtay Kulan Wacyigalin Ah Oo ku Saabsan Xanuunka EBOLA + SAWIRRO

0
857

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda Caafimaadka Iyo Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo is kaashanayaa ayaa maanta shaqaalaha madaarka Cigaal International Airport u qabtay barmaamij wacyigalin ah oo ku saabsan khatarta xanuunka EBOLA iyo qaabka laysaga ilaalin karo.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta Madaarka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawadda, Saraakiil ka socday wasaaradda Caafimaadka iyo guud ahaan shaqaalaha kala duawan ee ka hawl gala madaarka.
Agaasimaha waaxda cudurada faafa ee wasaaradda caafimaadka Dr: Abiib Aadan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “kulan keenan maanta waxa aynu isugu nimid inynu iskaga wacyigalino xanuunka EBOLA, xanuunkani waa xanuun khatar badan, wakhtigana

ma jirto khatar toos ah oo muujinaysa in uu inagu soo wajahan yahay inaga, balse arimahani waa ka hor tag iyo diyaar garow, maadama madaarku uu ka mid yahay goobaha dalka laga soo galo, waxaanu idinku wacyigalinaynaa in aad feejignaataan, kuna gacan siisaan hawl wadeenada u tababaran baadhitaan ka cudurkan shaqada ay wadaan, xanuunkan waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo, balse la tacaalidiisu waa hadba sida looga gaashanto.”
“xogta ugu muhiimsani waxa weeye qofku marka uu soo dego xumadiisa ayaa la eegayaa, qofka xumadiisu xoogan tahay baadhitaan dheeraad ah ayaa loo dirayaa si loo xaqiijiyo xaaladiisa, hadii qofka xumadi hayso taa macnaheedu maha in laga helay xanuunkii, taan idinku celcelinayaa waxa weeye ilaa qofka xaaladiisa caafimaad la xaqiijiyo oo ay wasaaradda caafimaadku warabixin rasmi ah ka soo saarto, in aan layska odhan EBOLA ayaa laga helay.”
Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ka wasaarad ahaan iyo ka madaar ahaanba diyaar ayaanu u nahay xogaha ay wasaaradda caafimaadku noo soo gudbinayso in aanu fahano kuna dhaqano,waxa kale oo aanu diyaar u nahay in aanu wasaarada caafimaadka ku garab galno hawlaha baadhitaan ee ay maanta ka bilawday madraakan, waxaan shaqaalaha ku dhiiri galinayaa in ay u dhago nuglaadaan talooyinka la siinaayo.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi“ hawshani waa mid ka hortag ah waanan ugu mahad celinayaa wasaaradda caafimaadka Somaliland dadaalka ay muujisay, ILAAHAY inaguma keeno xanuunkaasi, hawshani waa wajigii koowaad ee siyaasada ay Xukuumada Smalialnd kaga hor tagayso xanuunkaasi, shaqaalaha waxaanu idinku dhiirigalinaynaa inayadaan si fudud isaga odhanin cidbaa EBOLA laga helay, waxa hawl yar maha in la yidhaahdo Somaliland ayaa EBOLA laga helay khatar weyn ayaanay dalka ku keenikarataa.”
Geesta kalena Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa isla maanta Madaarka Cigaal ka bilowday baadhitaan ay ku samaynayso dhamaan dadka madaarkaasi ka soo daga ee dalka soo galaya, iyadoo laga baadhayo xanuunka EBOLA, waxana hawshaasi isla maanta kormeeray Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here