Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Furtay Kulan Lagu Dajinayo Siyaasada Jaamacadaha Dalka + SAWIRRO

0
1355

Hargeysa,(HargeisaPress) —Kulan Balaadhan oo lagu dajinayo siyaasada lagu hagayo jaamacadaha Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa kaasi oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud,Gudoomiyaha komishanka tacliinta sare Xuseen Xasan Guuleed, Agaasimaha mashruuca horumarinta jaamacadaha iyo dajinta siyaasada guud ee jaamacadaha Pro Njoroge iyo masuuliyiin kale .

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee tacliinta sare Pro Axmed Muuse Muruud oo sheegay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay kulan hawleedkani lagu gorfaynayo siyaasada lagu hagayo jaamacadaha dalka oo muhiim ay tahay in qorshe cad oo lagu gaadhi karo horumar la helo, kaasi oo u mahad celiyey midawga yurub ee EU iyo jaamacada Kenyatt University oo fulinta mashruucani leh waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaan ay si weyn u dhaqaajinayaan samaynta siyaasada jaamacadaha Dalka.

Pro Saleebaan Dirir Cabdi gudoomiyaha Jaamacada Burco oo ku hadlayey afka jaamacadaha dalka ayaa ka xaal waramay in ay wakhtigan ku haboon tahay in la helo siyaasad lagu hago jaamacadaha dalka waxaanu aad ugu mahad celiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida hawshani kaasi oo geestiisa sheegay in ka jaamacad ahaan ay wixii talo iyo tusaale ah ku darsan doonaan mudada uu socdo aqoon iswaydaarsigan lagu samaynayo siyaasada jaamacadaha dalka.

Gudoomiyaha komishanka tacliinta sare Pro Xuseen Xasan Guuleed oo halkaasi ka hadlay ayaa taabtay ahmiyada balaadhan ee uu kulankani uu leeyahay waxaanu sheegay in ka komishan ahaan qayb laxaad leh ay ku leeyihiin sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee jaamacadaha iyo sidii qorshe cad loogu samayn lahaa jaamacadaha oo sahlaya in la helo hanaan iyo hab fudud oo lagu gaadhi karo guul, gudoomiyaha oo halkaasi ka sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan midawga yurub oo aad uga shaqaynaya tayaynta jaamacadaha iyo samaynta siyaasada jaamacadaha dalka.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay masuulka Mashruuca SHEDS Pro Njoroge oo ah barnaamij lagu samaynayo siyaasada jaamacadaha dalka oo sheegay in ay soo dhawaynayaan kulankani ay iskugu imaadeen jaamacadaha dalka ee lagu gorfaynayo sidii loo heli lahaa siyaasad cad oo lagu hago mustaqbalka jaamacadaha waxaanu taabtay in ay mashruucani si wada jir ah u fulinayaan midawga yurub iyo jaamacada Kenyatta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here