WASAARADA SHAQO GELINTA IYO TALISKA GUUD EE CIIDANKA SOCDAALKA SOMALILAND OO DAAH FURAY KULAN LAGU IFTIIMINAYO XUQUUQDA CARUURTA XUDUUDAHA KA SOO GALA

0
1257

Hargeysa (Hargeisapress)- Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland iyo xubanaha Taliska guud ee Ciidanka Socdaalka Somaliland ayaa waxaa ay maanta kulan balaadhan ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Bacaado ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socday Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada, Xubno ka mid ah Saraakiisha Taliska Ciidanka Socdaalka Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday Hay”adda Caruurta Adduunka ee UNICEF, Waxaana kulankan lagu gorfaynayay dardar gelinta qorshayaasha kala duwan ee ku aadan qaababka loola macaamilo Da,yarta yar yar ee ka soo gudba xuduudaha Somaliland iyo kuwa ku sugan Dalka.

Kulankan oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase ayaa waxaa uu ugu horayn sharaxaad dheer ka bixiyay ujeedka kulanka.

kulan1kulan2kulan3kulan4kualn5kualn6kulan7kulan8kulan9kulan10

 

Hargaysa HP Main office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here