Wasaarada Qorshaynta Oo Soo Bandhigtay Buug Ka Hadlaya Doorka Haweenka Somaliland Kaga Jiraan Siyaasadda + SAWIRRO

0
794

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Qaybteeda Tirakoobka ayaa maanta magaaladda hargaysa ku soo bandhigtay buug ay kaga hadlayaa doorka ay haweenka somaliland kaga jiraan siyaasadda,waxbarasahdda iyo caafimaadkooda sida loo dabooli karo baahiyaadkooda.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa diiradda lagu saaray sida ay u haboon tahay in markasta haweenka somaliland la siiyo doorkooda xaga siyaasadda iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa waxbarashadda iyo caafimaadka.

Ugu Horayn waxa munaasibada furay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Cawaale Ibraahim Shirwac ayaa sheegay in buugan ay waaxda Tirakoobka ee wasaaradiisu soo bandhigtay looga gon leeyahay in lagu ogaado heerarka kala duwan ee haweenku waxbarashadda,caafimaad,siyaasadda ay kaga jiraan iyo waliba sidii kor loogu qaadi lahaa iyaga oo la raacayo warbixinta.

“buugani waxa uu ka turjumayaa halka ay raga iyo dumarku kaga jiraan Arimaha caafimaadka,siyaasadda,arimaha bulshadda iyo kor u qaadista xirfadooda ee xaga haweenka taasi oo aynu odhan karno maanta somaliland haweenku door muuqda ayay kaga jiraan xadii aynu odhan lahayn xaga siyaasadda oo xukuumadda madaxwayne muuse biixi kor ayay u soo qaaday kaalinta ay haweenku xukuumadiisa kaga jiraan,markaas buugani waxa uu sheegay in haweenku xaga ay waxbarashadda kaga jiraan meel fiican.

“Markaas buugan aanu soo saarnay ee waaxda xog uruurinta wasaarada qorshayntu waxa ay ka turjumaysaa sida ay haweenku ku yihiin dhamaan dalka waana xog uruurin dhab ah oo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka laga keenay waxaana loo baahan yahay in xog uruurinta wasaaraddaha dalku ku hawl galaan oo dhamaantood ay taabanayso,waxaanan leeyahay haay’addaha iyo wadamadda somaliland taageerana way akhrisan karaan oo way ku hawl gali karaan dhamaantood.

 

Wasiirka qorshaynta ayaa dhinaca kale u mahad naqay dawlada sweden oo markasta uu sheegay in somaliland ay taageerto.”Mashruucan xog uruurinta ah waxa wasaaradda qorshaynta somaliland ka taageeray dawlada sweden haday noqon lahayd qarash ahaan iyo hadii ay noqon lahaydba dardar galinta ay doonayaan in haweenku kor loo soo qaado aqoontooda iyo sidii ay u noqon lahayeen qaar markasta kaalintooda kaga jira horumarka ka socda somaliland dawlada swedena waan u mahad naqaynaa sida aanu u nahay saaxiibadda.

Dhinaca kale waxa iyaguna munaasibada ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta somaliland,Agaasimaha wasaarada caafimaadka iyo Xubno ka socday wasaarada shaqo galinta iyo Ururka haweenka somaliland NOW waxaana ay dhamaantood shegeen in ay sax tahay xog uruurinta laga sameeyey doorka ay haweenku kaga jiraan siyaasadda dalka,waxaana ay isku raceen in loo baahan yahay in xukuumadu ay doorkooda ka qaadato sidii haweenku xaga siyaasadda loogu gacan qaban lahaa.

Sidoo kale waxa isaguna munaasibada saoo gaba-gabeeyay masuul sare oo ka socday wadanka sweden waxaanu cadeeyay in tirakoobka lagu sameeyay sida ay haweenku waxa u bartaan ay tahay mid sax loona baahan yahay in xooga la saaro sidii ay u noqon lahayeen haweenku qaar markasta u taagan in ay wadanka qaybtooda xaga horumarka ka qataan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan shirkan ka soo qayb galo, kaliya halkan uma joogo inaan ka qayb qaato soo bandhigida buugan, ee sidoo kale waxaan dhagaysanayaa doodaha halkan ka dhacaya. Tirakoobku waa shay muhiim u ah bulshada, tira koob la’aana suurtagal manoqon karto in la xaqiijiyo Gaabka, horumarka iyo caqabadaha ka hor iman kara maalgashiga sidaa daraadee tirakoobku waa shay mihiim u ah dimuquraadiyada , waxbarashada iyo dhamaan adeegyada kala duwan ee bulshada sida waxbarashada.

Gaba-gabadii dadkuu munaasibadan ka soo qayb galaya ayaa madasha isku waydaarsaday aragtiyadooda iyo sida ugu haboon ee haweenka somaliland ay uga qay qaadan karaa taladda dalka,waxbarashadda iyo caafimaadka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here