Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland oo Dib U habayn Ku Samaysay Bariijka Labaad Ee Hargeysa + SAWIRRO

0
996

HARGEISA, (HargeisaPress) — Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland oo kaa shanaysa Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ee  (RDA) ayaa  Dayactir  ku samaysay Biriijka 2-aad ee Caasimada Hargeysa oo aan wax hawl ah laga qaban tan iyo wakhtigii la furay oo ahayd sannadkii 2011-kii.

Biriijka labaad ee Caasimada Hargaysa 1Dayactirkan ayaa isugu jiray iyadoo Laamiga Biriijka la saaray leeyar cusub oo laami ah, kaas oo dib u cusboonaysiiyay laamigii hore u saarnaa oo googo badani ku yimi, sidoo kale waxaa la dhisay laba qaybood oo uu Biriijka dhaawac ka soo gaadhay kuwaas oo ay duqeeyeen gawaadhi maraysay.

Biriijka labaad ee Caasimada Hargaysa 2

Biriijka labaad ee Caasimada Hargaysa oo la dhamaystiray sannadkii 2011-kii, ayna dhamaystirkiisa fulisay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo sagaashankii cisho ee ugu horeeyay xil qabashadeeda, ayaan wax Dayactir ah lagu samaynin wixii wakhtigaas ka danbeeyay.

Biriijka labaad ee Caasimada Hargaysa 3

Wasiirka Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ay hoos timaado Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ee  (RDA) ayaa u hawlgalay dayactirka Biriijka labaad ee Hargaysa lagu sameeyay hadda, kaas oo muhiimad weyn ugu fadhiya isu gudbida Qaybaha Waqooyi iyo Koonfureed ee Magaalada.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here