Wasaarada Duulista ee Somaliland ayaa sagootiday Shaqaale Aqoon Koradhsi ah Cilmiga Hagida Hawada ku soo Qaadan Doona Dalka Itoobiya.

0
1108

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland ayaa sagootiday Shaqaale aqoonkoradhsi qayabtii 2aad ah ku soo qaadanaaya Dalka Itoobiya Shaqaalahan oo ka koobnaa 10 Qof ooh ore u soo bartay cilmiga hagida Hawada, ayaa qayabtii labaad ee cimigaasi soo baran doona.

Munaasibada sagootinta ayaa lagu qabtay Qolka nasashada (VIP) ee Madaarka Cigaal International Airport, waxaana ka soo qayb galay Masuuliyinta Wasaaradaasi iyo Maamulka Madaarka Cigaal.

Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe oo duco iyo dardaaran isgu daray ayaa waxaa hadaadiisii ka mid ahaa:-“ maanta dhalinyaraa tihiin berina hogaamiyayaashii dalkan ayaad noqonaysaan waxaan ilaahay idin ka baryayaaa inaad si fiican uga soo faa,iidaysataan tababarkaa waxa weeye qiimo yar inaguma joogo oo waa masuuliyad wayn “ICAO” qaar kale ayay inoo soo tababaraysaa oo Nayroobi ku maqan, ujeedadeenu waxa weeye inaynaan isku halayn “ICAO” iyo cidkale toona ee maalinta ay noqoto inaynu hawdeena maamulano wadahadalo ayaanu ka rajaynaynaa inay dib u bilaabmaan inaad idinku noqotaan kuwa shaqadaa buuxinaya.”

Wasiirku waxa uu u mahad celiyey Raysalwasaaraha Itoobiya, iyo Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya, waxaanu yidhi:-“ waxaan mahad balaadhan usoo jeedinayaa Dawlada Ethiopia oo si hagar la,aan ah noola garab taagan dedaal kasta oo aynu ka dalbano noogana soo jawaabta masuuliyiinteeda oo ugu horeeyo raysal wasaaraha iyo wasiirka gaadiidka mudane Ahmed Shire,.”

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahad celiyey Masuuliyiinta Safarada Somaliland ku leedahay itoobiya, oo yidhi:- “waxaan si khaasa ugu mahadcelinayaa Safaarada Somaliland ee Ethiopia safiirka Cali Shoombe waxa kale oo aan si milga leh ugu sii mahadcelinayaa safiirku xigeenka Ayaanle iyo hawlwadeenada safaarada oo runtii juhdi badan geliyay oo halkaa idin ku qaabilaya oo idinku sugaya Madaarka Adis Ababa”.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar C/laahi Aadan oo isguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi:-“ Maanta waxaanu halkan ku sagootiyaynaa 10 kamida shaqaalaha qaybta hagista Diyaaradaha oo ay dawlada Ethiopia ay hore noogu  soo tababartay sida Diyaaradaha loo hago oo hore usoo dhamaystay kooraskii bilawga  ahaa soona qalin jebiyay kadibna tababar koodii ku qaatay Madaarka Hargeisa waxaanay tegi doonaan Ethiopia oo ay kusoo qaadan doonaan kooraskii labaad oo ah hagista Diyaaradaha waana 10 shaqaale ah oo runtii karti badan iyo dedaal badan muujiyay wakhtigii ay shaqaynayeen aad ayaanu u rajaynaynaa inay guul labaad keeni”.

Dhanka kale Shaqaalaha soo qaadanaayey tababarka oo ay u hadleen lab aka mid ahi ayaa balan qaaday in ay muujin doonaan dadaal dheeri ah, sidoo kalena u mahad celiyey Wasiirka Madaxtooyada oo markii hore diray iyo Wasiirka Duulista ee hada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here