Wasaarada Daakhiliga Iyo Taliyaha Bileyska Oo Is-Hortaagay Fulinta Qaraar Ay Maxkamada Sare Ganacsade Xamaade Ugu Xukuntay Mulkiyada Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd

0
1488
Maxamed Muuse Diiriye iyo taliye Cabdilaahi Fadal

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye iyo taliyaha bileyska Cabdilaahi Fadal ayaa is-hortaagay fulitaanka go’aan ay Maxkamada Sare 30/3/2017 ka soo saartay muran u dhexeeyey ganacsade Maxamed Xasan Al-Soomaali (Xamaada) iyo Cabdulkariim Al-Cumar oo ku saabsanaa lahaanshaha shirkadda dhismaha ee Mulkiyada Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd iyadoo ay maxkamada sare u xukuntay ganacsade Xamaada inuu yahay mulkiilaha sharciga ah ee shirkaddaasi isla markaana uu isagu shirkadaa 50% leeyahay.

Hadaba ku xigeenka Amniga ee Daakhiliga iyo taliyaha bileyska ayaa si badheedh ah uga horyimid go’aankii ay maxkamada sare ka gaadhay dacwadii murankaasi khusaynaysay iyadoo ay labadaas masuul la safteen dhinicii laga xukumay wakiilnimada iyo lahaanshaha shirkadda Prime.

Maxamed Muuse Diiriye iyo Cabdilaahi Fadal oo isticmaalaya awood sharciga baalmarsan ayaa waxay ciidan bileyska ka tirsan dhigeen kaamkii ay hantida shirkadu taalay iyadoo ganacsade Xamaada laga hor joogsaday inuu galo goobtaasi ay hantidiisu ku xaraysnayd balse galitaankii kaamka loo fasaxay Cabdulkariim Al-Cumar oo ah dhincii uu xukunku ku dhacay.

Siday dad goobjoog ahaa ku warameen waxa la jajabiyey qufulo ku xidhnaa koonteenaro ay ku jireen qalab iyo alaabooyin kala gadisan oo yaalay kaamka ay shirkadu ku leedahay meel ku dhaw kantaroolka galbeed ee magaalada Hargeysa iyadoo ay hawshaasi todobaadkii hore fuliyeen farsamo yaqaano uu wasiir ku xigeenka Amniga laftiisu kaamka keenay.

Sheekadan ayaa waxa daaha dabadiisa ka hagaya nin la yidhaahdo Cabdala Al-Kuwayti oo shirkad xawaaladeed uga wakiil ahaa dalka Sucuudiga iyo xildhibaan ay isku hayb yihiin oo la yidhaa Cabdicasiis Dhulcun.

Waxa kale oo soo shaacbaxay in ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw-Siciid iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ay iyaguna arintan dhinac kaga jiraan iyagoo taageero siinaya dhinicii ay Xamaade isku qabteen wakiilnimada shirkadda Prime.

Dhinacyada damacu ka galay hantida shirkadda Prime & Sultan Ltd ee doonaya in awood dawladeed lagaga faramaroojiyo ganacsade Xamaada ayaa la filayaa in aanay ku koobnaandoonin cidaha aanu kor ku soo sheegnay oo qudha iyadoo uu xildhibaan Dhulcun uu maanta bixiyey tibaaxo tilmaamaya in wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Morgan uu waraaqo wakaaladeed magaalada Dubai uga soo samaynayo Cabdukariim Al-Cumar iyo Cabdala Al-Kuwayti oo isaga dhawaan lagu khaakhuulay Sucuudiga kadib markii lagu soo eedeeyey inuu Xuutiyiinta lacago uga diray Sucuudiga iyo waliba arimo kale.

Dhinaca kale Cabdulkariim Al-Cumar oo ah dhinicii dacwada laga xukumay ayaa todobaadkan qaar ka mid ah wargeysyada ku soo qoray wargalin uu ku sheeganayo wakiilnimada Somaliland ee shirkadda Prime isla markaana qaraarkii Maxkamada ku tilmaamaya inuu yahay mid waxba kama jiraan ah.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here