WARSAXAAFADEED: Warbixin Baanka Dhexe ka soo Saaray Sicir-bararka & Dhaqaalaha Somaliland

0
962
Guddoomiya-baanka-dhexe Cali Ibraahim Jaamac

Hargeysa, (HargeisaPress) —Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa ka warramay sicir-bararka dalka iyo dhaqaalaha Somaliland, siday ku sheegeen war-saxaafadeedkan:

Sida uu qeexaayo Xeer Lr 54/2012 qodobkiisa 4aad waajibaadka asaasiga ah ee Baanka Dhexe ee Somaliland, waxa ugu mudan xakamaynta sicir-bararka iyo dejinta qiimaha Shilinka Somaliland.  Haddaba annaga oo waajibaadkaas fulinayna, waxaanu bulshada Somaliland la wadaagaynaa warbixin ku saabsan xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay oo ah mid fayow.

1.      SHILINKA SOMALILAND OO KOR U KACAY 15%.

Heerka isku beddelka sarrifka Dollarka iyo Shilinka Somaliland   ayaa Bishii February 2019 dhammaadkeedii halka Dollar ($1) lagu sarrifaayay  Slshs 9,050marka la barbardhigo bishii Feb, 2018 oo lagu sarrifaayay Slshs 10,700 taas oo u dhiganta kor u kac qiimaha shillinka 15%.  Kor-u-kaca qiimaha Slshs wuxuu si toos ah u anfacay mujtamaca ku hela dakhliga iyo mushaharooyinka shillinka Somaliland.  Sababaha keenay kor u kaca   qiimaha shilling Somaliland waxa ka mid ah:

1.      Baanka Dhexe oo xakameeyay xaddiga lacagta suuqa gelaysa isla markaana waxa khasnadaha Baanka kusoo xarooday lacag badan oo markii hore suuqa wareegaysay.

2.      Baanka Dhexe oo maareeya suuqa sarrifka lacagta soona saara Sicir Dhexe oo haga sarriflayaasha.   Sarriflaha   kor u dhaafa  Sicirka Dhexe  ee Baanku soo saaro qaddar  ka badan 2%,  waxa uu Baanka Dhexe  ka  joojiyaa  nidaamka  elekrooniga ah ee lacagta lagu kala beddesho,  ruqsaddana waa lagala noqdaa.

3.      Dawladda Dhexe oo joojisay Kharashaadkii aan daruuriga ahayn ee la  soo dayn jiray marka laga reebo mashaariicaha waxtarka u leh horumarinta qaranka.

4.      Waxa door fiican ka qaatay kor u kaca qiimaha shillinka Somaliland tallaabooyinkii Xukuumadda Somaliland ku mamnuucday in wixii ka yar $100 la isugu diroadeegyada Zaadka & Edahab taas oo dhaqan gashay bishii March ee sannadkii hore.

5.      Bilihii ina dhaafay ee Jan & Feb, 2019, waxa si xawli ah u kordhay dhaq-dhaqaaqa bushcuradda kasoo degta Dekadda Berbera oo u badan alaabo loogu talogalay Bisha Ramadaan ee barakaysan.  Dhaq-dhaqaaqaasi wuxuu kordhiyay baahida loo qabo SLSH oo ganacsatadu ku bixiso cashuuraha.

B)  SICIR BARARKA OO HOOS UGU DHACAY 7.7%.

Heerkii Sicir bararka ugu sarreeyay ee  Somaliland  soo mara  waxa uu ahaa bishii Feb, 2018 oo uu gaadhay  19.1%,   halka uu sannad kadib  bishii Jan, 2019  hoos ugu soo  dhacay  7.7%.

Hoos u dhacaas ballaadhan waxa laga dareemay suuqyada ganacsiga iyo goobaha wax lagu kala iibsado oo haatan deggen (Stable). Dhinaca kale , haddii  aynu Somaliland barbardhigno  dalal Afrikaan ah oo qaarkood aynu jaar  nahay  waxa muuqanaysa  in ay Somaliland meel hoose kaga jirto  kana  fiican tahay dalalkaas  sida: South Sudan43%; Angola 18%; Masar  13%; Nigeria 11.3%; Ethiopia 11%;   Congo 10%;  Somaliland 7.7%.

1.      GUNAANAD:

  1. Inkasta oo qiimaha Dollarku hoos ugu dhacay Slshs 9,050 sida aanu kor ku xusnay, haddana ganacsatadu waxay weli alaabta ku iibiyaan Slshs 10,000. Haddaba, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu sarrifkaas ganacstada u arkaa mid aan xalaal ahayn, waxaanu ganacsatada ku boorrinaynaa inay u tudhaan bulshada oo qiimaha bushcuradda ku sargooyaan heerka sarrifka Dolarku maraayo oo haatan dul fadhiistay Slshs 9,000.

2.  Baanka Dhexe ee Somaliland, isaga oo tixgelinaya bulshada dakhligooda ku hesha  Dollarka Maraykanka iyo qurbajoogta maalgashiga ku samaynaysa dalkooda hooyo, yoolka Baanka Dhexe ee sarrifka Shilinka Somaliland waa 8,500 halkii doolarba.  Haddii uu heerkaas hoos uga dego, Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu qaadayaa tallaabooyinka ku haboon.

3.   Haddii uu  sicir-bararku  gaadho ama hoos uga dego  raqamka “Eber”  waxa dhici karta in dalku  galo   xaalad dhaqaale oo adag oo ay ka mid tahay  Busaarad, Shaqo la’aan iyo Ganacsiga oo yaraada. Si xaaladdaas looga feejignaado, yoolka  sicir bararka ee Baanka Dhexe waxa uu ku waajahan yahay 5-7%. “Inflation target rate”, haddii heerka  sicir bararku gaadho ama hoos maro 5%, Baanka Dhexe wuu soo dhex galayaa waxaanu qaadayaa tallaabooyinka markaas ku habboon.   Balse marka aynu eegno mushruucyada horumarineed ee laga hirgelin doono Somaliland muddada dhaw ee soo socota, waxaanu filaynaa in sicir bararku aanu hoos u dhaafi doonin 5%. Mashruucyadaas oo ay ugu waaweyn yihiin Berbera Corridor iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, oo wadarta qiimahoodu dhan yahay $560 Million. Mashruucyadaasi waxay keeni doonaan shaqo-abuur iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo xooggan.

Wa Billaahi Towfiiq

Cali Ibraahim Jaamac

Guddoomiyaha)Baanka Dhexe JSL

LEAVE A REPLY