wariye sabri oo xabsiga loo taxaabay iyo cida ka dambaysa

0
973

Burco (hargeisapress): Waxa goor dhaweyd Xabsiga weyn ee Magaalada Burco lagu xidhay Wariye Cabdisatar Cabdilaahi Cali oo ku magac dheer Sabri

isla markaasina ka mid ah suxufiyiinta Ka hawl gala Magaalada Burco gaar ahaa Tvga qaranka Somaliland, waxaana suxufiga la xidhay ka dib markii ay wax ka duubeen isaga iyo Suxufiyiin kale Dad ka cabanaayey Dad la sheegay in xalay lagu laayey deegaanka Gorgor oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Gaashaamo ee Kilalka shanaad ee Itoobiya.

Xadhiga wariyahani ayaa waxa amray wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo Ku sugan magaalada Burco Isaga iyo wasiiro kale oo ka Tirsan xukuumada Somaliland waxaana Lagu eedeeyey in uu abaabulay dadkaasi Gadoodsanaa ee Ka Cabanaayey Falalka arxan darada ah ee Maamulka ina ileeye uu ku Hayo dadka dega Deegaanada Xuduudka ka Talowsan ee Dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland.

Xadhigani lagula Kacay suxufi Cabdisatar Cabdilaahi Cali 12:00 (duhurnimo) ayaa ka mid noqonaaya Tacadiyada ka Dhanka ah Suxufiyiinta Ka hawl Gala somaliland oo Gudanayaa waajibaadkooda Shaqo.

 

Wixii waree kazoo kordha kala soco hargeisa press

 

Wariye sakariye cabdiraxamaan ibraahin

sakariye@faylasoof.tk

burco office

LEAVE A REPLY