Wariye Dalmar Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Xilka Loo Magacaabay

0
1781
Wariye Abdikarim Muse Abdi (Dalmar)

STOCKHOLM , (HargeisaPress) —Wariye Abdikarim Muse Abdi (Dalmar) oo kamida shaqalaha Tv-ga qaranka qaarada yurub ahna suxufi khibarad xoogleh u leh waraabahinta ayaa waxaa loo magacabey madax tv-ga qaranka ee dibeda.

Wariyea Dalmar oo arinkaas ka hadalaya ayaa waxaa uu yidhi.”waxaan si balaadhan usoo dhaweeyneyaa xilka wasiirka warfaafinta Somaliland Md Abdiraxman Guri barwaqo Igu maamusey inaan noqdo madax Tv-ga qaranka Somaliland ee Dibeda Oo aha xil aan hore u jirin balse aan anigu noqdey qofkii ugu horeyey tariikhda Somaliland ee xilkaas Lagu aftexay waana ku faraxsaney”

wariye dalmar oo ka hadleya waxa uu doonayo inuu kusoo kordhiyo Tv-ga qaranka ama uu ka badelo dhinaca dibeda ayaa yidhi.

“Maraka hore waxaan ku shaqeynayaa siyaasada iyo jangooynta wasaarada warfaafinta ee ku aadan siyasada ay xukumada Somaliland ka leedahay in Telefishanka qaranka Somaliland ka jiro ama uu xarumo ku leeyahay daafaha caalamka”

wariye dalmar Oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi.”Dabacan iyadoo taasi jirto hadana maraka meel masuul lagaga dhigo waxaa laga filayaa inaad wax badan soo kordhiso Hadaba waxaan ku tala jiraa inaan bilaabo isku xidh buuxa oo dheex mara qurba jooga, jaliaydadaha Somaliland iyo telfishankooda Qaranka in telefishanka qaranka Somaliland uu noqdo gole kulmiya bulshada Somaliland lagu soo bandhigo doodaha barnamujyada kor u qaadaya aqoonta shacbka.

waxaan isku taxaalujin doona inaan ka faaideysto aqoonta kala duwan ee ay xanabaarsan yihiin mushatamaceenu lagana sameeyo barnamujyo wax ku oola” ayuu yidhi wariye Dalmar.

Dhianaca kale wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa ku tala jirta in si aada losoo koobo shaqalaha Tv-ga qaranka ee ka hawal gala Dibeda.

Tvsle.Ali Mohamed

LEAVE A REPLY