Wargeysyada ingariiska iyo Wararkii ay ka qoreen suuqa kala iibsiga

0
1342

wargaysyadaHargeisaPress — Iyada oo suuqa kala iibsiga uu soo xidhmay dhawaan  wargeysyada Yurub ka soo baxa ayaase weli hadalhaaya ciyaartoyga diirada u saraan kooxaha ee laga yaabo inay u dhaqaaqaan xagaaga soo socda ama ka dhowba bisha January  marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoygu.

Cristiano Ronaldo oo 29 sanno jir ah ayaa doonaya inuu ka tago Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku soo laaban doonaa Manchester United haddii uu go’aansado inaanu  u dhaqaaqin Manchester CIty. (Sunday Express).

Laakiin Ronaldo ayaase u dhaqaaqi kara Chelsea ama Man United haddii midkood ay diyaar u yihiin inay bixiyaan 500 kun ginni oo mushahar ah todobaadkii . (Mail on Sunday).

Tottenham ayaa mar kale isku dayi doonta inay la soo wareegto 24 jirka khadka dhexe ee Southampton Morgan Schneiderlin marka suuqa kala iibsiga uu dib u furmo bisha January. (Sunday Mirror).

Manchester United ayaa u isticmaali doonta 26 jirka kubad-sameeyaha ah Juan Mata maalintii ay ku soo xerogelin lahaayeen ciyaaryahanka khadka dhexe Kevin Strootman oo 24 sanno jir ah bisha January. (Sunday Mirror).

Newcastle United ayaa ku dhow inay iska ceydhiso tababare Alan Pardew ka dib markii guul-darro 4-0 ay ka soo gaadhay Southampton Sabtidii  islamarkaana ay magacowdo Steve Bruce iyo Alan Shearer.

Tababare Rafa Benitez ayaa sheegay in Fernando Torres uu kaalin weyn  ku lahaa in kooxda ay la soo wareegto Raheem Sterling markii uu ku jiray akadeemiga kooxda Queens Park Rangers. (Sunday Mirror).

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY