Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Loolanka KULMIYE Ee Maxamed Biixi Iyo Muuse Biixi

0
824

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay soo baxay wuxuu warbixin ka qoray loolanka ka taagan shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee qabsoomi doono 10 November 2015.

 

Wargeysku, wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ah 80 jir aanu doorashada dambe tartami doonin, isagoo wargeysku sheegay in tanaasulkaas Madaxweyne Siilaanyo qarxiyay loolanka ficilka ku salaysan ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yoonis oo ah wasiirka khaarajiga iyo Muuse Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Wargeysku wuxuu sheegay in Muuse Biixi isku hubo kalsoonida in Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaskiisa Aamina-weris ay taageeri doonaan.

 

“26 September wuxuu Madaxweyne Siilaanyo la kulmay odayaasha Beeshiisa Habarjeco waxaanu weydiistay inay ku daba faylaan Muuse Biixi. Wuxuu sidoo kale tirsanayaa codadka Gadabuursi iyo hoggaamiyahooda ahna madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.” ayay tidhi warbixintu, waxase uu wargeysku  tilmaamay in haddii uu Muuse ku guulaysto musharaxa KULMIYE ay siyaasiyiin culusi ka bixi doonaan xisbiga una wareegi doonaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, “Hase yeeshe haddii uu Muuse Biixi noqdo musharaxa madaxweyne ee KULMIYE, siyaasiyiin culus ayaan ka gaban doonin inay u wareegaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.” ayay tidhi warbixinta wargeysku.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY