Wargeyska African: Somaliland Waa Dalka Ugu Nabdoon Geeska Afrkika

0
1298

Hargeysa (HargeisaPress) — Wargeyska  African News ayaa si faahfaahsan uga faalooday xafladdii shalay uu xilka kula wareegay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

African News, waxay soo qaateen hadal ka mid ahaa khudbaddii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay xafladdii uu xilka kula wareegay hadalkaasi oo ahaa “Waxaan diyaar u ahay oo aan ka shaqeynayaa sidii aan wax uga qaban lahaa dhammaan cabbashooyinka ay tabbanayaan walaaladay waanan xalin doonaa”.

Sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu madashii lagu dhaarinayay ka caddeeyay inuu ka dhabayn doono ballanqaadyadiisii xilligii ololaha doorashada, isla markaana ay ka go’antahay inuu Ictiraafka Somaliland Raadiyo, waxa kale warbixintani lagu sheegay in Somaliland ay tahay Dalka ugu Amniga wanaagsan Dalalka Geeska Afrika, sidoo kalena Doorashada ka dhacday Somaliland ayaa waxay ku tilmaameen inay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana noqotay doorashadii ugu horreysay ee si hufnaan ah uga dhacda Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY