Wargeys Fashiliyay Qorshe Hargeysa Ay Ka Maleegayaan Sacuudiga Iyo Imaaraatku Oo Ay Xukunka Uga Tuurayaan Madaxweynaha Somalia

0
958

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wargeys caan ah ayaa Fashiliyay qorshe layaableh oo ay Dawladdaha Sacuudiga iyo Imaaraatku Xukunka uga tuurayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kaasi oo ay saldhiga ay kaga duulayaan uga dhiganayaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaanu soo bandhigay Wargeysku cadaymo muujinaya jiritaanka warkan.

Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta. Xubnahaas ayuu wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Hawiye kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin.

Wargeysk waxa kale oo uu sheegay in wafti uu hogaaminayay wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ay kulan qarsoodi ah dhawaan kula yeesheen magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo. kulankaasi oo sida uu xusay qayb ka ah dagaalka loogu diyaar garoobayo inaanu mar dambe talada dalka kusoo noqon Madaxweyne Farmaajo oo ay dabada ka wadaan Sacuudiga iyo Imaaraatku.

Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Hawiye iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan.

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo heli lahaa siyaasi Hawiye ah oo awoodda labada beel la isugu geeyo si loo doorto.

Waxaa sidoo kale kulanka la isku raacay in Hargeysa ay noqoto halka laga maal-gelinayo ololaha oo lacagta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga lasoo marinayo, halka magaalada Nairobi ay noqoneyso xarun labaad.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here