Warbixin Somaliland Iyo Puntland Ku Eedaysay In Ay Diideen Diblomaasiyaddii Qaramada Midoobey, Kana Digtay In Colaadda Tukaraq Ay Balaadhan karto

0
795

Brussels , (HargeisaPress) —Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka oo magaceeda loo soo gaabiyo ICG, ayaa Hargeysa(Geeska)-Warbixin kooban oo ay soo saartay International Crisis Group 27 ka bishii lixaad 2018, waxa ay kaga warrantay xogteeda la xidhiidha iska horimaadka hubaysan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulgobaleedka Soomaaliya ee Puntland ku dhex maraya Tukaraq oo ay ku tilmaamtay magaalo Istaraatiiji ah oo furin u noqotay dagaalka ay labada dhinac ugu jiraan gacan ku haynteeda.

Hay’adda ICG waxa ay sheegtay in iskudhacyada hubaysan ee labada dhinac dhexmaray tan iyo bishii koowaad ee sannadkani ay yihiin 20, marka laga soo bilaabo dagaalkii ay siddeedii Jeenaweri Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq oo ay hore u haysteen ciidamada Puntland. Waxa aanay sheegtay in dagaalladaas ay ku dhinteen daraasiin ciidamada labada dhinac ah.

Hay’adda ICG waxa ay sheegtay, dagaalkii Somaliland ku qabsatay Tukaraq oo ku beegmay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku joogay maamulgobaleedka Puntland, in loo fahmay in ay tahay farriin ay Somaliland madaxweyne Farmaajo iyo dawladda Soomaaliya uga digayso in ay ku lug yeelato colaadda halkaas ka jirta.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Puntland ay 15-kii bishii shanaad weerar ku qaadday ciidamada Somaliland ee aagga Tukaraq, iyada oo doonaysay in ay dib u soo ceshato gacan ku haynta dhulkaas. “Markan, dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray ayaa la soo wariyey in ay ku dhinteen dagaalyahanno boqol ku dhow oo labada dhinac ah. Waxa aanu noqonayaa iska hor-imaadkii ugu dhimashada badnaa ee illaa hadda labada dhinac dhexmara” ayaa lagu yidhi warbixinta. Waxa aanay intaas ku dartay in dagaallada dhimashada keenay ee sannadkan dhacay kaddib, ay labada dhinac is weydaarsadaan hadallo colaad abuuraya, ciidamo dheraad ahna soo dhoobayaan jiidda hore dagaalka, isla markaana ay diideen diblumaasiyaddii Qaramada Midoobey ka dhex wadday.

Source: Geeska

LEAVE A REPLY