Warbixin: Shirka London ma Xogta Shidaalka Soomaaliya ayaa Lagu Suuq-gaynayaa mise waa Lagu soo Xaraashayaa?

0
135

London,(HargeisaPress) — Shir lagu soo bandhigayo macluumaad kala duwan oo la xidhiidha sahamin dhinaca shidaalka ah oo laga sameeyey Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo magaalada London ee dalka Ingiriiska toddobaadkan.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum.

Haddaba shidaalka Soomaaliya ma la “xaraashayaa” mise waa la suug-geynayaa?

Inkastoo shir kan la mid ah hore loogu qabtay dalka Koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya, ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray shalay, ayaa sheegay in shirkaasi yahay sharci-darro, warbixinta sahminita shidaalkana hore loogu soo bandhigay Koonfur Afrika, waxa hadda London lagu qabanaya na uu yahay sidii xidhmooyinka shidaalka ee Soomaaliya loo “xaraashi” lahaa.

“Waxaa sharci-darro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Baatroolka iyo Khayraadka aanay labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.

Xisbiaga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada shirka London aanay ahayn sida dowladdu ay sheegtay, balse uu yahay; “Xukuumaddu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso in ujeedka shirka uu yahay xog-wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkadda (Spectrum) ee caddaynaya in ujeedku yahay iibinta xidhmooyin shidaal, maadaama shirkii soo bandhigidda xogta shidaalka Soomaaliya hore loogu qabtay waddanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumadda ku wargelinaynaa in hawlaha sidaan xasaasiga u ah ay u baahan yihiin wada-tashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumaddu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani yihiin hanti Qaran.”

Hasa yeeshee, Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka ee Soomaaliya Mr. Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay caddeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono natiijada sahankaas.

“Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in la soo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhammeystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib-u-eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena,” ayuu yidhi Wasiirka Batroolka ee Soomaaliya.

Soomaalida ma ku heshiisay qeybsiga kheyraadka dalka?

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay inay jiraan shuruuc ku saleysan sahmintii shidaalka ee Badda, kaasi oo la soo saaray sannadkii 2008-dii, waxaana uu intaa raaciyay in sharcigaasi dib-u-eegis lagu sameeyay.

“Waa jira heshiis rasmi ah oo dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay la gashay dowlad goboleedyada sannadkii hore, bishii Juun 5-teedi, kaasi oo lagu saxiixay heshiiska la haanshaha maamulka iyo wadaagga kheyraadka baatroolka iyo macdanta Soomaaliya oo ay ku caddahay dhammaan ciddii maamuli laheyd? Yaa iska leh? Sidee loo kala qaadanayaa? Dowlad-gobolleedyadu maxay qaadanayaan? Dowladda Dhexe maxay maamuleysaa? Dowlad-goboleedka aan waxba soo saarin muxuu heli doonaa? Intaasi oo dhan iyadoo aan wali wax xisaabaad ah soo bixin ayaa lagu heshiiyay,” ayuu yidhi Wasiirku. Hasayeeshee, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa beddelka shirka London soo jeediyay in marka hore la sameeyo arrimo ay ka mid yihiin:

  1. In la dhiso Golaha Khayraadka dalka oo ah golaha ugu sarreeya ee lagu lafa-guro arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

2) In la dhiso Hay’adda Baatroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah, waxayna ka shaqayn doontaa wadahadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyada, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyada Batroolka. Xukuumaddu ma dhisin hay’adaas.

3) In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil CompanySONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dowladda Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saaridda iyo suuq gaynta, raasamaalka iyo wadaaga saamiyada shirkadda, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah.

Dhibaatooyinka dalal badan ay ka dhaxleen shidaalka

Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badanna dhaqaale ahaan ay ku horumareen, ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato hor leh u horseeday dalal ay ka mid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhibaatada ugu badan ka soo gaadhay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsan.

Wakaaladaha Wararka

LEAVE A REPLY