Warbixin Iftiiminaysa Hawl Gudashada Madax Dhaqmedka Kala Gedisan Iyo Awoodahooda Umada U Hayaan Sida Qaalibka Ah Ee Soo Jireenka Ah” Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

0
998
Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan

HARGEISA, (HargeisaPress) — Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi,oo ka mid ah Madaxdhaqmeedka Somaliland,ayaa ka hadlay Inta qaybood Ee madax Dhaqmedka Uqaybsamo, awoodaha Ay Leeyihiin, Suldaanka oo war qoraal ah ku baahiyay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebooga.

 

 

Waxaana uu qoraalkaasi u dhignaa sida tan:

 

 

Marka Hore Salaanta Guud Ee Islaamka Salamu Caleykum Waraxmatu Llaahi wabarakaatu bulsho weynta reer Somaliland waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa anigoon badanka mujtamaca waxba idiin faaidaynayn balse iga tahay xasuusin sida sooyaalka taariikhed ee xilgudashada hogaan dhaqmedka reer somaliland iyo doorka ay ugu jireen umada reer somali land HORDHAC IYO AFEEF.

 

Waxaan Hordhac Ka Dhigayaa Inta Qaybood Ee Madax Dhaqmedka Uqaybsamo Iyo Awoodaha Ay Leeyihiin Oo Ah Sidan.1.Suldaan Ama Ugaas Ama Garaad Iwm. Oo Ah Hogaan 2.Cheif Caqil Oo Ka Masuula Xubno Cuqaala Tiraday Doonaan Hanoqden Horjooge U Ah 3.Caaqil Oo Masuul Ka Ah Reerka Dhib Iyo Dheef 4.

 

Xeerbeegti Gorfeya Amuuraha Reerka Oo Geed Jooga Oo Laguna Xulo Garasho Reer Afartaa Qaybood Oo Ah Jaran Jaro Dhaqan Waa Qaab Dhismedka Madax Dhaqmeedka Awalan Wakhtiyadii Qarnigii 17aad Ayay Ahayd Sidaynu Taariikhda Ku Hayno In Dawladii Mustacmarka Ee Ingiriisku Ka Biyo Diiday Sida Ay U Hogaamiyan Salaadinta Oo Ay Badiba Uhogaansanayen Bulshadu Una Aaminsanaayen Xag Dhaqan Dhaqaale Bulshed Iyo Siyaasaded Ee Ay Horjooga Ugu Ahaayen Umada Waxaan Ay Sababtay In Uu Ka Fekero Inuu Wiiqo Awoodaha Saldada Waxa Uu Kusoo Kordhiyay Labada Qaybod Ee Cheif Caqil Iyo Caaqil Balse May Midho Dhalin In Ay Awodii Wiiqaan Asagoo Ingirisku U Qoray Mushahar Kana Mid Noqden Awoodaha Dawliga Ee Kamida Mamulkiisa Halka Ay Salaadintu Aanay Ku Lahayn Wax Mushahara Dhaqaalaha Ay Badiba Ku Dhisan Yihiin Xoolaynta Umada Ay U Cumaamadanyin Oo Loo Yaqaanay “Sado” Oo Ah Xoolaha Umadu Ku Xoolayso Awoodii Cheif Ka Iyo Caqilku Waxay Ku Astowday Inay Reerka Dhaqankiisa Magtiisa Mawlaxadiisa Nabad Gelyadisa Ku Koobnaato Halka Suldaanku Yahay Awooda Usareysa Ee Gudoomisa Dhamaan Xaalad Waloo Jirta Una Taagnaado Hogaamiye Bulsheed Ay Kusoo Arooraan Dhamaan Arimaha Bulshada Ee Kala Duwan Oo Iskaashi Buuxa La Leh Arimaha Aasaasiga Ah Ee Danaha Bulshada Taasoo Erayga Siyaasad Markaynu Qeexno Ah Arin Utaagan Adeeg Horumar Nololeed Balse Ay U Xilsaaranyin Siyaasiyintu Tan Iyo Intii Laga Guurey Nidaamkii Reer Guuraga Lana Soo Galay Magaaloyinka Hadaba Xidhiidh Gacan Saar Oo Dhow Baa Ka Dhexeeyay Hoganka Siyasada Iyo Dhaqanka Oo Marwalba Si Joogto Ah Isagu Xidhnaa Arin Waloo Jirana Isula Jaan Qaaday Dal Iyo Dad Iyo Degaanba Taaso Ayna Marna Kala Furmin Maadaama Aynu Qaab Qabali Ah Unaalo Mujtamaceenu Hadaba Waxaa Xusid Mudan In Umadeenu Ledahay Dhaqan Kusalaysan Kala Danbeyn Lana Ixtiraamo Oday Dhaqmeedka Oon Ka Jirin Dalkaa Aynu Jaarka Nahay Ee Somaliya Waa Ta Sababtay Xasiloonida Iyo Kala Danbeynta Gayeysiisay In Somali Land Ku Naaloto Gay I Nabdon Iskashigii Dhaqanka Iyo Siyasigu Oo Tusale Inoogu Filan Hubka Dhigistii Nabadayntii Iyo Geedi Socodkii Dhismaha Dalkani Oo Taabo Gal Waara Noqday Gayigeena Halkii Looga Baahdona Loo Adeegsado Dhaqan Iyo Odayayn Maadama Cida Lagu Kalsoonyay Yihiin Dhaqanka Siweynba Dalka Iyo Dadkuba Ugu Soo Aflaxeen Allena Inoogu Garab Iyo Gaashan Noqday Ilaa Maantana Waa Isku Tidcanyin Oo Lamaanyin Sharafkodina U Jira AFEEF.

 

Madax Dhaqmeedku Waxay Ka Mid Yiin Bulshada Waa Qaldamaan Waana Saxnadan Oo Waa Caqliga Marba Eebe Gashay Nin Iyo Waagii Mid Garanaaya Waajibka Hormoodnimo Ee Uu Hayo Iyo Mid Uba Haysta In Ay Tahay Cumaamadu Farsmo Lagu Xoogsado Oo Dheef Laga Shaqaysto Waana Mid Ka Muuqata Hab Dhaqankiisa Iyo Ficilada Ka Muuqda Oo Marba Qarsoonayn Bulshada Dhexdeeda Lamana Odhan Karo Waa Wada Sax Qiimeyn Gaara Ayay Leyin Balse Waxaa Dhaqan Iyo Caado Inoo Ah Inaynu Qadarino Saacidno Saxno Wixii Ka Qaloocda Inagoo Ogsoon Muhiimada Ay Inoo Hayaan Sida Nabada Oy Guntaan Hadii Ay Dhacdo Goob Dagaal Umada Iyo Dawladaha Oy Udhexeyan Oo Qof Walba Uradiyan Wixii Xaq Uu Leyahay GABOGABO.

 

Waxaan Beryahanba Arkaayay Dad Xataa Masuliyin Ku Jiraan Oo Naqdiyaya Madax Dhaqmeedka Oon Hadana Ayagu Ka Maarmin Oo U Naqdiyaya Markay Danahooda Ka Waayan Markuu Danhisa La Garab Joogona Suldaankayagu Waa Cumar Binu Khadaab Gaadhsiiya Waxaan Shacbiga Xogtan Ugu Soo Ban Dhigayaa Waa Inaan Wax Dhaqanka Biri Mageydada Ah Looga Lumin Ahmiyada Madax Dhaqmedku Dalka Iyo Dadka Ugu Sookifaxen Da, Yarta Looga Lumin Loogana Dhigin Waxaan Jirin Loo A Mid Noqon Sida Dalka Aynu Deriska Nahay Een Ka Haybadaysanin Dhaqankoda FIIRO GAARA GUNDHIG. Aynu Kala Faaidaysano Si Asluub Iyo Qadarini Ku Dheehantay Oo Faaido U Leh Da,Yartena GEEDAHABA QAARBAA BIRI MA GEYDO AH OON LA GOYN AYNU KU FARO ADEGNO INTA XURMO IYO XASUS INAGA MUDAN.

 

GUNAANADKII Waa Hubaal In Ay Tiro Baten Madax Dhaqamedkii Tayona Jirin Halkay Markay Tirada Yaraayen Ka Tayo Badnayen Ayadoo Ay Aheyd Inay Maantana Ka Tayo Bataan Waase La Xakamayn Idmi Llaah Dalka Dawladbaa Ka Dhisan Oo Loo Igmaday Shacbiguna U Doorteen Hadii Ay Khalad Kusocoto Oo Ay Garab Marto Danaha Umada Fartaa Lagu Fiiqayaa Hadii Ay Wado Sax Ku Taagantayna Waa Lagu Garab Galayaa Oo Loo Hiilinayaa Se Suldaanka Leh Qarankaan Umetalayaa Danihii Aynu Wasaaradaha U Samesanay Waa Midaan Laga Dhegaysanayn Talo Bixin Waalaga Qaadan Karaa Shaqadase Waa La Kala Leeyay.

 

 WABILAAHI TOWFIIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here