War-saxaafadeed: Musharraxa KULMIYE Oo Magacaabay Xilal Cusub

0
807
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-xaakimka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Magacaabay Lix Xubnood oo Dhallinyaro ah.

Xubnahan oo ka mid noqonaya Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE u qaabilsan Gobollada Dalka qaarkood iyo weliba Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbigaasi, ayaa Tiradoodu tahay Lix.

Sidaana waxa lagu shaaciyey War-saxaafadeed u qornaa sidan “Kadib markii aan arkay muhiimadda Xilalka hoos ku qoran u leeyihiin hab-sami u socodka hawlaha Xisbiga KULMIYE, waxa la magacaabay xubnahan laga bilaabo maanta oo ay bishu  tahay October 01, 2017.

  1. Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.
  2. Maxamed Nuur Mooge Shabeel – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
  3. Maxamed Ibraahim Nadiif – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
  4. Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
  5. Cabdifataax Barkhad Cismaan – In manta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Qorshaynta iyo Jaan-goynta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
  6. Siciid Maxamed Siciid – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY