War-saxaafadeed: Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka: Caafimaadka Maskaxdu Waa Arrin Wax ku Ool ah

0
940

SONYO23Hargeysa (HargeisaPress) — Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta Qaramada Midoobay u astaysay in ay ahaato Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka (International Youth Day), August 12da, 2014. Ugu horrayn, Dalladda Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa ay hambalyo, bogaadin iyo salaan balaadhan u diraysaa dhammaan dhallinyarada JSL. Waxa ay u rajaynaysaa in ay dhallinyarada JSL, dhallinyarada adduunka sannadkan sannadkiisa kula gaadhaan badhaadhe, horumar iyo isbedelo nololeed oo waara.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunku waxa ay u soo galaysaa Dhallinyarada JSL, iyaga oo ku naaloonaya naacawda udgoon ee xorriyada, dimuqraadiyadda iyo nabad-galyada dalkooda hooyo ee JSL ee ku beermay, kuna biqlay dhiiga shuhadadii halganka. Balse Dhallinyarada JSL, sida dhigooda adduunka kula uuman oo kale, ma waayo la’a, mana duruuf la’a. Sunnaha nolosha aadamaha ayaa ka unkan tacab iyo tabaalo is barkan, oo kaliya lagaga baxi karo aragti sarraysa, dadaal, midnimo umaddeed iyo maan kobocsan.

Hal-ku-dhaga loo xushay xuska sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka oo ah Dhallinyarada iyo Caafimaadka Maskaxda: Caafimaadka Maskaxdu Waa Arin Wax ku Ool ah. Waxa looga dan leeyahay is-dareen galin si loogu muujiyo dareen naxariis leh oo muwaadinimo, walaalnimo, muslinimo amaba bini-aadanimo dhammaanba dadka ka jirran maskaxda, gaar ahaan dhallinyarada. Taas oo liddi ku ah takoor iyo faquuqid lagula kaco dadka da’da yar ee maskaxda ka jiran. Sidaa darteed, Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO waxa ay dhiirigalinaysaa takoor iyo faquuqid la’aan iyo naxariis loo muujiyo dhammaanba dadka maskaxda ka jiran, dhallinyaraduna kow ka yihiin. Dalladu iyada oo taas ka duulaysa, waxa ay lacag dhan 1,000 Dollar oo Maraykan ah guddoonsiisay dhawaan Dugsiga Caruurta Baahida Gaarka Ah qaba ee Hargeisa. Deeqdaas lacageed ee kobani kaliya waxa ay Dalladu uga dan lahayd in naxariis loo muujiyo dhallinta baahida gaarka ah qaba, sidoo kale la dhiirigaliyo dareenka wadaniyadeed iyo wada jirka ummada ee ku aaddan arrimahan oo kale.

Dhallinyarada JSL waxa kale oo ay la tiicaysaa shaqo la’aan baahsan oo ka jirta dalka. Waxa wakhti xaadirkan jira shaqo la’aan baahsan iyo tahriibka dhallinayarada oo aad u sarreeya. Sida ku cad warbixintii Dhallinyarada Adduunka ee Qaramada Midoobay, 40 million oo dhallinyaro tahriibayaal ah oo da’doodu u dhaxayso 20 jir ilaa 29 jir ayaa heehaabaya adduunka maanta iyaga oo u dhibaataysan rumaynta riyooyin dhalanteed ah oo ay kala soo kicitimaan dalalkoodii. 40-kaas million ee dhallinyarada ah ee tahriibaysa, waxa ka mid ah tiro badan oo dhallinyaro reer Somaliland ah, oo qaada marino khatar badan nolol ahaan, ama dulli badan sharaf ahaan. Arrin ugub ku ah dalkan, una baahan si wada jir ah loola tacaalo.

Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO iyo Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku, oo iskaashanaya waxa ay suurto-galiyeen in dalka laga abuuro Sanduuq u gaar ah wax ka qabashada dhibaatooyinka dhallinyarada. 20kii Feb 2014 ayay ahayd markii Madaxweynaha JSL ku dhawaaqay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada JSL ee YDF. Dallada SONYO, xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada Adduunka darted waxa ay rajaynaysaa in Madaxweynaha JSL ku dhawaaqi doono Guddida Qaran ee maamuli doonta sanduuqaasi, oo lagu soo xulay karti, aqoon iyo hufnaan waayo-aragnimo. Waxa kale oo aanu rajaynayaa in Xukuumadda JSL, 3% ka mid ah miisaaniyada qaranka ee 2015 ee hadda odoroskeedii socdo lagu shubo sanduuqaas si wax looga qabto dhibaatooyinka waaweyn ee hortaagan dhallinyarada JSL wakhti xaadirkan.

Ugu dambayntii, qabyo badan baa qabyo tirkeedu u taal dhallinyarada JSL. Si taasi jirta u noqoto, waxaa inagu waajib ah dhallinyaro ahaan in aynu mid ahaano, guure- galino hayaanka baadi-goobka horumarka, hagar-baxno oo hawshoono, la inagu tilmaansado hufnaan, lana nimaadno hal-abuurnimo cusub. Dhibaatooyinka dhallinyarada JSL maanta horyaal waxa lagu waajihi karaa kaliya midnimo, mudakarnimo, maan kobocsan, han sareeya iyo aragti fog oo hilaadisa horumar ummadeed oo ka madhan kala qoqobnaan iyo gobolaysi. Waxa la gaadhay wakhtigii dhallinyarada JSL dalkooda ugu hagar bixi lahaayeen aqoonta lagu habay iyo cududooda dihin. Dallada SONYO waxa ay hormood ka tahay xaqiijinta himilooyinkaas waaweyn ee ay dhallinyarada iyo ummada JSLna kohanayaan.

Dallada SONYO waxa ay u rajaynaysaa dhamaanba ururada xubnaha ka ah Dallada SONYO, dhallinyarada JSL iyo guud ahaanba shacbiga JSL guul iyo badhaadhe ummadeed in ay ku gaadhaan maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka maalinteeda kale idan Alle.

Allaa Mahad Leh.

Mubarak Ismail Taani,
Guddoomiyaha Dallada Ururada Dhallinyarada JSL ee Heer Qaran ee SONYO
Hargeisa, Somaliland.

LEAVE A REPLY