Wasaarada Duulista Somaliland Oo Beenisay In Dalka Somaliya Loo Qaaday Arday Somaliland Ka Tirsan.

0
1572
Ismaaciil Cali Axmed Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

Hargeysa,(HargeisaPress) — Waxaanu halkan si cad uga beeninaynaa war ay faafisay wasaarada duulista iyo gaadiidka cirka ee dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo ay ku sheegtay inay iyadu dirtay ugu yaraan 50 arday oo loo soo tababarayo maamulida iyo hagida diyaaradaha.

Ugu horayn waxaanu umada Somaliland iyo guud ahaan caalamka la wadaagaynaa, in ardaydaas ay qaadayso hayada ICAO isla markaana ay iyadu imtixaan ka qaaday oo ay soo tababarayso, iyada oo ay qayb ka tahay barnaamijka lagu casriyaynayo laguna tayaynayo madaarada Somaliland iyo Somalia ee Hayada ICAO maamusho. Waxaanu sidoo kale halkan ka cadaynaynaa inaanay jirin cid gaar ah oo hawada lagu wareejinayo, iyo cid gaar ah oo hayada ICAO ay si gaar ula shaqaynayso, la soo wareegida hawada iyo maamulideeduba waxay ku xidhnaanaysaa guusha laga gaadho wada hadaladii labada dawladood u socday ee hakaday.

Ugu dambayn waxaanu dawlada Somalia uga digaynaa, ku celcelinta wararka xanafta leh ee aan waxba ku soo kordhinayn,  xaalada hawada labada dawladood oo ku sugan  wakhtigan,  xaalad xasaasi ah oo khatar ugu jirta in gabi ahaanteeda loo gacan galiyo wadamo shisheeye.

 

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada

iyo Gaadiidka Cirka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here