War-murtiyeed Sharci: Arrinka Xisbiyadu Waa ‘Nin Dawee la Leeyahay Dambi uu Badh Leeyahay’

0
1068

Inta aanan u gudbin dulucda iyo ujeedada war-murtiyeedkaygan, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo cid kasta iyo qof kasta oo kasoo qaybqaatay Nabadayntii, Taabo-gelintii Dimuqraadiyada iyo bilowgii habka Axsaabta badan iyo Doorashooyinka.

Haddii aan u soo gudbo ujeedada hadalkeena, waxa muddo ina haystay “XISBIYO AYAA WADAHADLAYA iyo HESHIISYO AY SOO SAARAAN”.  Waxa ugu muhiimsan ee maanta ay ka hadlaan waa in la kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) iyo saami-qaybsiga Guddida Doorashooyinka iyo sh shuruuc qabyo ah.

Haddaba, waxa isweydiin mudan in jawaab xalaal ah oo sharci laga bixiyo Komishanku (KDQ) ma wuxuu u shaqeeyaa Saddexda Xisbi Qaran? Mise waa Hay’ad Qaran oo u xilsaaran hawlo qaran iyo caddaalad sugidda xili kasta oo doorasho?  Arrimaha u baahan in dadweynuhu xog badan iyo garsho u yeeshaan waxa ugu muhiimsan qodobbadan:

  1. Axsaabta wada-xaajoonaysaa ma khilaaf iyo muran iyaga u dhexeeya ayey ka wadahadlaan, mise Arrimo Qaranimo oo masuuliyadeeda cid kale leedahay?
  2. Adduunka aynu ka midka nahay ma ka jiraan Komishan Doorasho oo Xisbiyo soo magacaabaan? Haddiise aannu Komishan soo xulan Xisbiyo Adduunka kale aannu ka jirin Maxaa innaga dalkeena keenay, goormaase aynu ka gudbaynaa Komishan Doorasho oo Xisbiyo soo xulaan?
  3. Haddii Axsaabta hada inoo jirtaa ay rabaan inuu habka xulista sii jiro, ama tirada xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka la badiyo, diyaar ma u yihiin in tirada iyo xulista lala sugo xiliga la furi doono Ururrada Siyaasadda (Political Associtions) oo ah xiliga ugu culus, uguna xasaasisan ee doorasho la qabto.
  4. Saddexda Xisbi ma waxay wakhti iyo wadahadal ku lumiyaan xil iyo mas’uuliyad aanay lahayn, mise waxa la gudboon inay ka wadahadlaan kana tallo-bixiyaan sidii loo dhammaystiri lahaa wixii qabyo-tir u baahan ee la xidhiidha Hawlaha Doorashada ee Komishanka Doorashooyinku u xilsaaran yahay oo ay ka mid yihiin sida:
  5. a) Goobo Doorasho oo loogu talo-galo dhulka iyo deegaamada Maamulku gaadhay oo aanay Doorasho hore ka qabsoomin;
  6. b) Magaalooyinka waaweyn oo si baaxad leh u fiday, una baahan in loo helo goobo codbixineed oo cusub oo badan;
  7. c) Tuulooyin iyo Deegaamo barro-kacayaal badan la dejiyey oo dhismay, una baahan goobo codbixineed;
  8. d) Bixintii Kaadhka Cod-bixinta oo la siiyo ciddii hore isu diwaangelisay ee aan qaadan kaadhka iyo qof kasta oo xaq u leh, una diyaar ah inuu qaato kaadhka cod-bixinta;
  9. e) Sida loo soo xulayo dad wax tar u leh dalka iyo dadka xili kasta oo Doorasho.
  10. Waxa habboon Dadweynuhu inay weydiiyaan saddexda Xisbi Qaran socdaalkoodii u dambeeyey ee ay ku tageen Nairobi, KENYA bishii Oktoobar 14, 2018 wixii ay la soo noqdeen.

Haddaan in yar ka iftiimiyo socdaalka saddexda Xisbi ciddii metelaysay, waxay kula kulmeen Nairobi, Komishanka Doorashooyinka Dalka KENYA oo Madaxweynuhu soo magacaabo Goluhuna Ansixiyo. Waxay la kulmeen oo kale xubno metela Axsaabta KENYA oo ka kooban 61 Xisbi, kuwaasoo uga waramay habka loo doorto Komishanka Kenya, iyo inay leeyihiin Xafiis (madal) ay ku xaliyaan khilaafaadka iyo muran dhexdooda ka dhaca.

GABAGABO:

Anigoo aaminsan dariiqada sharciga ah ee Komishanka Doorashooyin lagu dhisaa inay tahay waajibaadka iyo awoodda Madaxweynaha Dalka, maadaama Komishanku yahay Hay’ad Dowladeed, hawlo qarana u xilsaaran yihiin lana mid yihiin Hay’adaha Qaran ee dalka ee uu soo magacaabo Madaxweyne, Golena Ansixiyo.

Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa, kuna marti-gelinayaa aqoonyahan kasta, Oday Dhaqameed, dhallinyarada iyo shacabk aoo dhan inay ila akhriyaan ila eegaan qodobbadan Dastuuriga ah iyo nuxurka ay xambaarsan yihiin.

  1. Awoodda iyo Karaamada Qaran wuxuu shacabku u igmaday Dowladda ka jirta Dalka, sida ku cad 37(1) ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan:

Eebaha Ummadda Somaliland ku beeray geyigan, waxa uu ugu deeqay awood iyo Karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karamadaas u igmaday Dawlad ku dhisnaan doonta, kuna dhaqmi doonta Diinta iyo Dastuurka.”

  1. Dowladda oo ka kooban Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka ayaa masuul ka ah ilaalinta Xuquuqda Muwaadinka ee heer kasta sida ku cad:

Qod. 25(3) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland: “Dowladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha”

Qod. 25(4) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland: “Dhammaan xoriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman Xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.”

Qod. 38(1) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland: “Awoodda xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban labada Gole oo kala ah Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida. Xilka Xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.”

Qodobbadaa Dastuuriga ah ee kor aan ku xusnay waxaad la akhridaa Qodobbada 90aad, 113aad, iyo 114aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo iyaguba si cad u qeexaya Awoodda Madaxweynaha iyo magacaabista Hay’adaha madaxabannaan.

Marka aynu tix-gelinayno dhismaha iyo adkaynta Dowladnimo, markaynu ilaalinayno dhaqan-gelinta Dastuurka, xageebay kaga jiraan oo ay ka soo gelayaan Xisbiyadan inoo Shiraa ee awoodda iyo saamaynta aanay xaqa u lahayn innagu yeeshay?! Lama diidana Xisbi, Ururro iyo cid kasta oo soo jeedinaysa tallo iyo tilmaamo wax tar u leh Dalka iyo dadkan ku dhaqan.

  1. Arrinta SAAMI-QAYBSIGA: waxa ajande ka dhigta cid kasta oo aan doonayn inay Doorasho qabsoonto, kuwo ay wax ka gedman yihiin iyo qolooyin raba inay Somaliland isku xidhnaanteeda dhul ahaaneed iyo dad ahaaneed burbur iyo fur-furan ku yimaado. Waxay hilmaansan yihiin labadii qodob ee lagu heshiiyey xiligii la sameeyey Xeerkii Doorashooyinka Golaha Wakiillada 2002 horteed oo ahaa (1) Saami-qaybsi la helo marka Maamulka Xukuumaddu dalka wada gaadho. (2) Isla markaana tiro-koob la qaado. Waxa kale oo qoladan ajandaha ka dhiganaysa SAAMI-QAYSIGA waxay ka soo horjeedaan jirtaanka Somaliland iyo isku xidhnaanteeda dal ahaan, dad ahaan iyo Xuquuqaha sida ku xusan Qodobbada 1aad, 2aad, 127aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

DUCO: Ilaahow naga salaamadyeel col dibadeed iyo cadaawad gudahayaga ah, AAMIIN, AAMIIN.

By: Garyaqaan: Aadan Xaaji Diiriye Dirir

   063 4244040

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here