War deg dega: Qarax Ismiidaamin ah oo galabta Magaalada Boosaaso ka dhacay

0
1120

BREAKING-NEWS-LOGO-3Boosaaso,(HargeisaPress) — Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay meel u dhow xarunta taliska booliska gobolka Bari ee degmada Boosaaso Puntland .

Qaraxa oo xoogiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Boosaaso, waxaa fuliyey qof isku soo xidhay walxaha qarxa. Ugu yaraan lix qof ayaa qaraxaas ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhey.

Qaraxa waxaa lala bartilmaameedsaday taliyihii qaybta booliska gobolka Bari Kol. C/raxmaan Muslim oo xilligaas kasoo baxay gurigiisa oo ku dhow xarunta taliska guud ee gobolka Bari..

Sida aanu wararka ku heleyno dadka dhintay waxaa kamid ah Kol. C/raxmaan Muslim iyo afar askari oo ilaaladiisa kamid ahaa, waxaa sidoo kale kamid ah sarkaal kale oo dhowaan loosoo magaacabay turubo taariyada.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay waddooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah faras magaalaha Boosaaso, una dhow xarumo badan oo dowladeed sida: dowladda hoose, xarunta maamulka gobolka, dekedda, bankiga iyo taliska booliska ee gobolka Bari.

December 5, 2013 ayey ahayd markii qarax kan oo kale ahaa oo Boosaaso ka dhacay ay sagaal qof ku dhinteen ku dhowaad afartan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

La Soco Wararka ka soo Kordha ..

 

LEAVE A REPLY