Xukuumadda Siilaanyo Oo Xabsiga u taxabatay Sheekhul Baladkii Hargeysa

1
5016
HargeisaPress Breaking-News..

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Sheikh Mohamed Sheikh ibraahin  Sheikh Madar,Sheekhul Baladka Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay Madaxtooyada Somaliland laga amray qabashadiisa.

Ciidammo Boolis ah ayaa Sheikh Mohamed Sheikh ibraahin Sheekhul Baladka Hargeysa ayaa ka soo xidhay gurigiisa .Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ciidammada Booliska Somaliland oo la xidhiidha sababta loo xidhay Sheekhul Baladka Hargeysa.

Hase-yeeshee, Wararku waxay sheegayaan inuu Xadhiggiisu la xidhiidho kadib markii uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi amar ku bixiytey in la taxaabo oo banaanka looga saaro Gurigii Alla ha u naxariistee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo ay Xukuumadii hore Daahir Rayaale siisay gurigan oo ah dhaxal ay leeyihiin qoyska ee Sheekh Yuusuf Sheekh Madar .

“Waxaa nasiib daro ah in maanta loo beegsanayo qoyska ee Sheekh Yuusuf Sheekh Madar Gurigii uu siiyay Madaxweynihii ee Somaliland oo ka dhisan xafada shacabka ee Caasimada Hargeysa” sida yidhi Sheikh Mohamed Sheikh ibraahin Sheekhul Baladka Hargeysa  oo lagu xidhay Saldhiga Ibraahim Koodbuur”

Gudoomiyihii Hore Golaha Guurtida Alle Ha U Naxariistee Sheekh Ibraahin Sh Yuusuf ayaa, dadka ugu badan ee Reer Somaliland ku tiriyaan un uu ahaa Marxuum daacad ah oo aan ku talaabsanin talaabooyinka Musuqmaasuqa ee ay dad badani caadeystaan in ay Guryo iyo hantiba kaga sameystaan Hantida Umadda,iyadoo loo dhgegtaagayo cida damaca dhabta ah kusoo weerartey Qoyska Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here