War Deg Deg Ah: Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Jeelka Loo Taxaabay Iyo Ciidanka Oo La Wareegay Guryaha Masuuliyiin Kale.

0
918

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamada gaar u tababaran ee loo yaqaan RRU ayaa guryahood kasoo qabqabtay inta la ogyahay saddex masuul oo  ka tirsan Xisbiga WADDANI, saddexdan masuul ee jeelka loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin Deeq Xirsi Canbuur oo hore u ahaan jiray xoghayihii dawladda hoose imikana ka tirsan masuuliyiinta ugu sarsaraysa Xisbiga WADDANI iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Maxamuud Rooble (Cabdi Six) oo isna katirsan masuuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo Marwo Maryan Maxamuud Dirir oo ah xoghayaha garabka haweenka heerqaran ee Xisbiga WADDANI.

Ciidanka soo xidhxidhay masuuliyiinta oo watay ciidan farobadan iyo baabuur tigniko ah ayaa sidoo kale waxay gaadh ka qabteen guryaha masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo aan wali joogin guryahooda sida ay noo xaqiijiyeen dad ka agdhow ciidanka RRU-da.

Talaabad kalitalisnimada ah ee ay ku kacday xukuumadda Somaliland ayaa loo malaynayaa inay tahay sidii xukuumaddu uga hortagi lahayd mawjadaha dadka ah ee barri ku ballamay inay isugu soo baxaan wadooyinka waaweyn ee gobolada dalka oo dhan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here