Wakiilka Somaliland U Fadhiya Kenya oo Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Huteel Ku Yaalla Nairobi

0
976
Ambassador Bashe said

NAROBI, kenya Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka hadley weerarkii argagixisada ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday mid ka mid ah heteelada ku yaalada magaalada Nairobi.

International community, diplomatic missions condemn Dusit attack, vow to stand with Kenya

Sidoo kale Ambasador Baashe Cawil ayaa cambaareeyey weerarkaasi shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka  intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Siduu maanta  daabacay  Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar,  ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.

Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray  inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid  fulaynimo oo  argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here