Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Oo Soo Kormeeray Mashruuca Banka Wajaale + SAWIRRO

0
1031

Wajaale, (HargeisaPress) —Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Horumarinta Beeraha oo ay ku weheliyaan wasiirka Gaashaandhiga iyo wasirka Qorshaynta Qaranka ayaa si balaadhan u soo kor meeray mashruuca BEER OO BAAHI REEB ee Banka Wajaale kaasi oo hada meel wanaagsan maraya waftiga ayaa u jeedada kormeer koodu ahaa sidii ay u ogaan lahayeen halka uu marayo mashruucaas oo loogu tala galay in uu wax weyn ka taro raashinka ciidamada kala duwan ee dalka.

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay maareeyaha mashruuca BEER OO BAAHI REEB ee Banka Wajaale Mawliid Xasan Cabdi kaasi oo ku dheeraaday ahmiyada uu qaranka u leeyahay mashruucani oo wax weyn ka taraya kabka ciidanamada kala duwan ee dalka waxaanu xusay in uu hada meel wanaagsan marayo.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Horumarinta Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo sheegay in ay hada beereen in ka badan 700(Todoba Boqol) oo higtar oo ay ka beereen dalagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hadhuudh,Digir,Sinsin iyo qamadi waxaanu sheegay in mashruucani yahay mid aad u balaadhan oo horumarka qaranka qayb weyn ka qaadan doona waxa kale oo uu xusay in uu yahay mashruucani midkii ugu horeeyey ee muda badan kadib si balaadhan ay dawladu u hir galiso.

 

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cawaale Ibraahin Shirwac oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday in ka wasaarad ahaan ay qayb laxaad leh ka qaataan dhamaan horumarka dalka waxaanu si gaar ah u xusay in ay soo hawaynayaan in mashruuc balaadhan oo baaxadaas leeg laga hir galiyo Banka Wajaale waxaanu iftiimiyey sida ay muhiimka u tahay in bulshadu isku tashato oo ay dhulkooda wax kala soo baxaan waxaanu bogaadiyey wasaarada Horumarinta Beeraha oo ku dhiiratay Mashruucaasi.

Gebo gebadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ing Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo waftiga hogaaminayey kaasi oo kormeerkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa mashruuca BEER OO BAAHI REEB oo qayb weyn ka qaadanaya kabka raashinka ciidanka waxaanu sheegay in ay wax lagu faano tahay in wax soo saar baaxadaas leeg laga samayn karo dalka lana isticmaalo dalaga dalka waxaana hadaladisii ka mid ahaa(‘’Runtii farxad weyn ayey ii tahay in aan maanta imaado oo kor meero mashruuca BEER OO BAAHI REEB ee laga hir galiyey Banka Wajaale kaasi oo ah mashruuc wax weyn ka tari doona ciidamada kala duwan ee dalka raashinkooda waxaana muhiim ah in la kordhiyo oo lagu dhiirado wax soo saarka dalka ka wasaarad ahaan waanu uga mahad celinaynaa Wasaarada Horumarinta Beeraha sida wanaagsan ee ay u hir galiyeen’’) Ayuu Yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Jamuuriyada Somaliland Ing Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here